Home Afsomali Xafiiskii hey.adda IOM oo Muqdish loo soo wareejiyey

Xafiiskii hey.adda IOM oo Muqdish loo soo wareejiyey

Wasiirka Qorasheynta oo uu wehliyo Xoghayaha Joogta Wasaaradda iyo Madaxa Hay’adda muhaajiriinta Aduunka International Organization Immagracration (IOM) ayaa maanta si rasmi ah Xariga uga jaray Xafiiska Soomaaliya Hay’addan.

IOM Xafiiskeeda Soomaaliya ayaa in muda ah ku yaalay Dalka Kenya,halkaas oo shaqadeeda ay kaga Maamuli jireen, waxayna Sabab u tahay soo guurida IOM in ay ka jawaabtay go,aankii Xukuumada ee ahaa in dhamaan Hay’daha ka shaqeeyo Arrimaha Soomaaliya in ay xafiisyadooda in ay ka furaan dhulka Soomaaliyeed,Waa talaabo xoojinayso heygalka Dowladnimada,Isla Xisaab oo lagu ogaanayo shaqada ay hayaan.

Wasiir Qorahsyenta Jamaal Maxamed Xasan iyo Xoghayaha Joogta Cabdulqaadir Maxamed Aadan iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka hadlay ahmiyadda uu leeyahay furitaanka xafiiskani,waxayna ku tilmaameen talaabo dhanka horumarka ah loo qaaday.

Waxaana furitaanka Xafiiska Hay’adda Socdaalka Aduunka International Organization Immagracration(IOM) fursad u abuuraysaa dhalinyaro fara badan oo Soomaaliyeed iyo kobaca Dhaqaalaha.

Waxaa sidan oo kale dalka dib ugu furtay xafiisyadooda ilaa dhowr hay’adood oo ka jawaabay baaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.