Home Afsomali Isbadel lagu sameeyey saraakiisha Talisyada Ciidsnks Xooga dalka

Isbadel lagu sameeyey saraakiisha Talisyada Ciidsnks Xooga dalka

Taliyaha  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa isbeddal ku sameeyay Saraakiisha Talisyada qeybaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobollada Dalka Soomaaliya.

General Daahir Aadan Cilmi, ayaa S/guuto Tawane Axmed Maxamed, u Magacaabay Taliyaha Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Abbaanduulaha Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa loo Magacaabay ,G/sare , C/salaam Aaden Axmed.

Waxaa sidoo kale wareegtada kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilalka looga qaaday Taliyeyaasha qeybaha 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka qeybta 60-aad, qeybta 21-aad iyo qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Wareegtadan ayaa sidoo kale waxaa lagu Magacabay Taliyeyaasha qeybaha 27-aad 60-aad, 21-aad iyo 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.