Home Afsomali Qasnada Bankiga Dhexe ee Dowlada oo la sheegay in mar kale lacago...

Qasnada Bankiga Dhexe ee Dowlada oo la sheegay in mar kale lacago lagala Baxay

banka-dhexe

Warar hordhac ah oo aan ka heleyno ilo wareedyo ka tirsan Bankiga Dhexe ee Dowlada Somalia, ayaa sheegaya in Qasnada Bangiga lagala baxay dhaqaale lagu sheegay ilaa 11 Milyan oo dollarka Mareykanka.

Dhaqaalahaani ayaa la sheegay in Qasnada laga saaray inta lagu guda jiro kala guurka, waxaana bixinta dhaqaalahaasi looga shakisan yahay Wasiirka Maaliyada Fargeeti oo adeegsanaaya awoodiisa iyo Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somlia Dr Bashiir Ciise Cali.

Sargaalkani waxa uu tilmaamay in dhaqaalahaasi Qasnada looga saaray si isfahan ah, waxa uuna cadeeyay in buuqa ka dhashay bixinta dhaqaalahaasi uu wali yahay mid ka taagan Bangiga.

Waxa uu intaa ku daray Sargaalkaani in Qasnada Bangiga dhexe uusan ku jirin wax dhaqaale ah, wuxuuna sheegay in dhaqaalihii ugu badnaa dhawaan loo raray Madaxtooyada Somalia, halka inta soo hartayna si xatooyo ahaan loogala baxay Bangiga.

Qasnada Bangiga Dhexe ayaa waxaa gudaha Sanadkaani muddo Seddex Jeer lagala baxay dhaqaale xoogan, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhaqaalahaasi qaarkood loo weeciyay Madaxtooyada Somalia.

Dhinaca kale, Madaxda Dowlada Somalia ayaa si xad dhaaf ah u istimaala dhaqaalaha keydka u ah Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.