Ethiopia ayaa sii daynaysa 530 Maxbuus waxaanay xaqiijisay inay cafiskan ka faa’iideysanayaan dadkii la xukumay iyo kuwa baadhistu ku socoto ee u xidhnaa khiyaamo qaran iyo jabhadeyn. Waxaan ku jiraynin cafiska dadka loo haysto dilalka iyo jidh-dilka. Ina Illay kuma jirayo.
Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Dr Abiy Ahmed ayaa warqad u jaray Taliyihiii hore ee sirdoonka Ethiopia Getachew Assefa oo mudooyinkii u danbeeyey ku sugnaa mid ka mid ah deegaanada uu ka soo jeedo, kaasi oo sida la sheegay lagu eedeeyey xad gudubiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha.
Getachew ayaa ahaa madaxi sirddoonka Ethiopia ka hor inta uusan xilka qaban ra’iisul wasaare Abiy Axmed, wararku waxay intaasi ku darayaan in la xidhayo saraakiil tiro badan oo la shaqayn jiray oo qiyaas ahaan gaadhaya ilaa 67 sarkaal oo qaar kood ay yihiiin Soomaali sida la sheegay ka soo kala jeeda wadamo kala duwan oo ay sirdoonka Ethiopia awood ku lahayeen.
Abiy ayaa hore u balan qaaday in saraakiishii ku xad gudbay xuquuqda binii aadamka si cad loola xisaabtami doono kaasi oo sheegay in ay muhiim tahay in cadaalada la keeno cid kasta oo ka faaiidaysatay awooda dawlada.