Home Afsomali Shaqaale ay dhimayaan iyo .U.N ka oo weli la yaaban waxa kulmiyey...

Shaqaale ay dhimayaan iyo .U.N ka oo weli la yaaban waxa kulmiyey go.aanka dowlada ee eryida haisom iyo madaafiicdii lagu garaacay xafiisyadooda

Qarammada Midoobay ayaa ku dhawaaqday inay yareynayso shaqaalaheeda ka jooga Soomaaliya, kadib markii Hoobiye lagu weeraray 1-dii bishan xaruntoodii Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen 3 xubnood u shaqeynayey iyo qandaraasleyaal la shaqeeyaba.

Qarammada Midoobay waxay xaqiijiyeen  in masuuliyiintii loo xilsaaray dhacdadii weerarku ay go’aamiyeen in la xaddido  shaqaalaha ka jooga Muqdisho.

Waxa kaloo ay  Qarammada Midoobay   tilmaantay in hawl-wadeenno lagu waday inay Axadii maanta tagaan Muqdisho lagu war-geliyey inay si ku meel-gaadh ah iskaga joogaan Nairobi ee dalka Kenya, sidoo kale hawlwadeenno kale  oo ay u qorsheysnayd inay Isniinta  beri  u safraan Muqdisho ayaa  iyagana la faray  inay iska  sii joogaan Nairobi.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii ay soo baxeen tuhun la xidhiidha in dawladda itaalka daran ee Soomaaliya ay ka dambeyso weerarka lagu bartilmaameedsaday xarunta UN-ka ee Muqdisho.

Waxa kaloo walaacan dhaliyey in isla maalintii la weeraray xafiiskooda ay dawladda Soomaaliya soo saartay go’aankii ay dalkaas qalalaasuhu hadheeyey ka mastaafurisay Wakiilkii Qarammada midoobay Nicholas Haysom

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.