Home Afsomali Baladweyn askari reer gabar ka dhaawac oo askarigii Alshabaab farta ka saaray...

Baladweyn askari reer gabar ka dhaawac oo askarigii Alshabaab farta ka saaray si ay u maxkamadeeyaan warkii hore war soo dhaaf

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay askari loo gacan geliyay Al Shabaab.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay shaqsiyaad u qabteen askari ka tirsan ciidamada xooga dalka oo loo gacan geliyay Al Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobolka Hiiraan, C/raxiin Muhumad Taakooy ayaa sheegay in gacanta ku hayaan shaqsiyaad ku eedeysay in askari ka tirsan ciidamada dalka ay gacan geliyeen Al Shabaab.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday habeen ka hor magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana xiisadda ay salka ku heysaa dhaawac uu askariga u geystay Gabar ku sugneyd magaalada Beledweyne.

Askariga kadib waxaa lagu dhaawacay aaladda Tooreyda, waxaana dhaawaca u geystay labo wiil oo gabadha ay isku reer yihiin iyaga oo kadib u dhiibay Al Shabaab, sida wararka ay sheegayaan.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amaanka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dadka askariga u gacan geliyay Al shabaab aysan ku laaban karin degmada Beledweyne, wuxuuna sheegay inay qabteen dhalinyaro falkaasi ku lug lahaa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay dhalinyarada la qabtay ay maxkamad usoo taagi doonaan eeda loo heysto, waxaana arintan ay xiisad ka dhex abuurtay dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.