Shir ay yeesheen Xubnaha golaha Shacabka ee baarlamaanka Puntland ayaa lagu ansixiyay hindise Sharciyeedka ay ku shaqeyn doonaan kalfadhiga 43-aad, kaas oo ka kooban dhowr qodob.
Ajandaha ay ansixiyeen Baarlamaanka Puntland waxaa ku jira in Golaha Xukuumadda uu soo dhisi doono Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni loo ansixin doono mid-mid,
iyadoo horey loo ansixin jiray si wadar ah. Talabadaan ayaa culays ku keeni doono MW Deni iyada oo laga yabaabo in lagu diido daar ka mida dadka uu soo magacaabi doono.
Sidoo kale ajandaha ay ansixiyeen Baarlamaanka Puntland waxaa ka mid ah noqonaya in ansixinta miisaaniyadda sanadkan 2018, si ku meel gaar ah muddo saddex bilood ah inta laga soo gudbinayo miisaaniyadda 2019, ansixinta barnaamij siyaasadeedka Xukuumadda cusub iyo xaalada amniga.