Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Kormeeray kadis ah ku tagay Qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha  maaliyadda, arrimaha dibdada, qorshaynta, shaqaalaha iyo hawlaha guud si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horayn guddoomiyay kulan lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda oo looga hadlayay dardar-gelinta qorshaha cafinta daymaha lagu leeyahay dalka.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo sidoo kale kormeeray wasaaradaha arrimaha dibdada, qorshaynta, shaqaalaha iyo hawlaha guud, waxa wasiirada iyo uuna hawl-wadeennada  wasaaradaha faray in laba jibbaaraan fulinta shaqooyinka ay qaranka u hayaan.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta ee lagula socanayo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda si loo xaqiijiyo isla xisaabtan ku salaysan daah-furnaanta iyo daah-furnaanta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.