Home Afsomali yaa la danbeeyey dilka Agaasimihii Shirkadda DP world Paul anthony Fermosa ee...

yaa la danbeeyey dilka Agaasimihii Shirkadda DP world Paul anthony Fermosa ee Boosaaso

War rasmi ah oo ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu shaaciyey in Guutada Iqtiyaalaatka ee Alshabaab ay subaxnimadii hore ee saaka ay magaalada Boosaaso ka fulisay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday agaasimihii Shirkadda DP world.

Afhayeenka ciidamada Xarakada  Al-Shabaab Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab ayaa idaacada Andalus usheegay in howlgalkaas lagu dilay Paul anthony Fermosa oo ahaa agaasimaha shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka isku tagga Imaaraatka Carabta, xooggana ku haysata dekedda Boosaaso
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay weerarada lagu beegsanayo shirkadaha Shisheeye
Al-Shabaab ayaa dhowr jeer digniino u dirtay hay’adaha iyo shirkadaha ku howllan boobka ka dhanka dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed, waxaana weerarkan uu imaanayaa iyadoo Alshabaab ay dhawaan ku goodisay in ay talaabo adag ka qaadi doonto hay’adaha ku howlan falalkaasi gurracan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.