Home Afsomali VIDEO Aqriso Magacyada liis ay ku jiraan Wasiiro xildhibaano iyo masuuliyiin kale...

VIDEO Aqriso Magacyada liis ay ku jiraan Wasiiro xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo la sheegay la siiyey dhulka u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho

https://youtu.be/Z-TrH2nOBqA

https://youtu.be/dN3zjTCmNd0

Ra iisal wasaaraha dalka Soomaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay gudiga soo celinta dhulka danta guud kuwaa loogu tala galay in ay ka soo war bixiyaan si deg deg ah iyadoo la tixraacayo in laga hortago musq maasuqa baahsan ee lagu hantiyey dhulalki iyo hanitida dowlada laheyd

Hadaba Gudiga loo xilsaaray ayaa waxaa gudoomiyo ka ah Wasiirka Waxbarashada Cabdulaahi Goodax Bare iyadoona gudigaas ay ka mid yahiin xubna sar sare oo ka tirsan dowlada Soomaaliya sida laga war haayo waxa laso bandhigay Masuq maasuq baahsan oo ay qayb ka yihiin Raga loo xil saaray in ay kaso shaqeeyaan Hanti so celinta qaranka

Hase ahaate Waa wax laga xumado in qaar ka mid ah xubnaha gudiga lagu arko liis dhul danta guud ahaa oo ku yaalo Eraboorka Adan Cadde agagaarkiisa lagu siiyey Si musuq maasuq ah sida la ogyahay waxa jira dad badan oo Soomaliyeed shaki galisay in masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Khayre ay horay dad badan ugu Eedeyeen in rag ka tirsan masuuliyiinta dowladii xasan shiikh maxamuud ay buub lixaad leh ku qaateyii hada side isku waafaqeysa in masuuliynta hada hogaamineyso soo celinta dhulka danta guud in hantidi qaranka ayagoo horey u dhacay in ay soo celiyaan wa su’aal adag oo u baahan jawaab

sida aan la socono waxaa jira Xubno ka soo dhex muuqday liiska dhulka Hantida dadweynaha ee la dhacay ayaa waxaa ka mid ah sida laga so xigtay Barnaamjjka Baadi Goob Wasiirka waxbarashada Cabdulaahi Goodax Bare iyo Xeerilaaliyaha qaranka Ahmed Daahir kuwaa hada ka mid ah gudiga hanti soo celinta Qaranka waxa kaloo ku jira Xildhiban Cabdulahi Maxamed Nuur oo aha Wasiir Dowlihii Hore Wasaarada Maaliyada iyo
Qaar ka mid ah Qoys Madaxweynhii Hore Ee Soomaaliya iyo Gacansato Caan ah.

Inkastoo oo ay adag tahay in la helo cadaalad waxa intaas oo musuq maasuq ah oo lagu boobay Dhulkii danta guud ayaa waxaa fududeey Madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyadoona dhulkaa loo qeybiyo xiligaa wasiir iyo Xildhibaano iyadoona dadka dhulkaa la siiyey ay ku jiraan Xaaskii Madaxweynahii hore Xasan Sheikh Maxamuud iyo walaalkiisa Dhualalka ay Qaateyn cabir ahaan waxa lagu sheegay 40 × 100 Waxayna Arintaa Gilgishay Quluubta shacabka Soomaliyeed

Hase ahaate maxa ugu qorsheysan Dowlada Soomaliya oo hada talada iyo Go’aan dalka loo igmday ee uu Hogaaminayo Madaxaeyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo Iyo Xukumadiisa waxaa la soconaa in ay dagaal ba’an ku hayaan dadka doonaya in musuq maasuq wax ku qaataan hadaba waxaa laga sugaa wa in sameeyaan baaris iyo Xog uruurin sax ah si dib loogu soo celiyo dhulka Danta guud ee si masuq ah Masuuliyiin wa weyn xaraash ahaan u qaatayn oo xiligaan gacanta ugu jira hanitidi qaranka ayagoo ka mid yihiin masuuliyinta la shaqeyso iyo kuwa horey uso qabtay xilal kala duwan iyo Ganacsato iyadoo la ogyahay hantida danta guud  ee dowlada leedahay in looga fadhiyo in ay shacab soomaaliyeed wax loogu qabto iyadoo laga dhisi karo Hosbitaal iyo Iskuul iyo Suuq weyn taas oo ah mida kaliya oo dhulalka danta guud wax loogu qaban karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.