Home Afsomali Dhageyso Ciidamada Kenya oo dil dhaawac iyo Qafaalasho u geystay ciidamada...

Dhageyso Ciidamada Kenya oo dil dhaawac iyo Qafaalasho u geystay ciidamada dowlada Somaliya

Korneyl Aadan Axmed Xirsi Rufle oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka Gobolka Gedo oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay sarkaal ka tirsan Militariga soomaaliya ku dileen deegaanka faaxfaxdhuun ee gobolkaas, islamarkaana  mid kalena ku dhaawacmeen deegaankasi.

Sidoo kale Ciidamada Kenya ayaa  ka xeysteen askar ka tirsan Militariga Soomaaliya oo tiradooda lagu qiyaasay ku dhawaad 123 askari, kuwaasi oo loo ka xeeyay dhanka ee dalka Kenya.

Korneyl Rufle ayaa shaaca ka qaaday in  ay cabsi xoogan ay soo wajahday  ciidamada ku sugnaa deegaanada Buusaar iyo deegaano kale oo ay isla joogaan ciidamada Kenya iyo kuwa xooga dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.