Nin lagu sheegay inuu Takfiir yahay oo wiilkiisa Duleedka Jowhar ku dilay
Aabe kunool deegaanka Xawaadley oo hoostaga degmada Balcad ayaa wiilkiisa oo 7-sano jir ahaa ku dilay toorey, waxa ayna dhacdadan noqotay mid dad badan ka argagaxeen.
Masuul katirsan maamulka deegaanka Xawaadley ayaa laga soo xigtay in aabaha falka dilka ah u geestay wiilkiisa uu ahaa Takfiir uuna ka carooday sab ama goob xus ka jiray uu wiilkiisa hilib kasoo cunay sabtii ayeeyadii .
Ciidamada amaanka ayaa lagu soo waramayaa in gacanta ku dhigeen aabaha dilkan argagaxa leh u geestay wiilkiisa, waxaana falkan si weyn uga carooday dadka deegaanka oo qaarkood la sheegay in ay weerareen dad takfiir ah iyo goobo ay isugu tagaan.
Soomaaliya qeybo badan oo kamid ah ayaa mudooyinkan dambe waxaa ka dhacayay dhacdooyin argagax leh oo raad ku laheyn diinteena suuban iyo dhaqanka soo jireenka ah ay leedahay umada Soomaaliyeed .
Hoos ka dhageyso codka Cali Maxamed Muuse Cali Atooyo