Home Afsomali Ilaa 4 Qof meydkooda ayaa laga soo saaray God Kaawada laga qodo...

Ilaa 4 Qof meydkooda ayaa laga soo saaray God Kaawada laga qodo oo ku Dumay dagmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho

4 ta qof ayuu ku dumay god ay ka qodanayeen dhagxaanta guryaha lagu dhisto kuwaas oo dhamaantood ku dhintay halka qaar kalena dhaawac  soo gaaray ka dib markii saaka waaberigii xoogsatadaan  ku soo dumay god kaawada laga qodo oo ku yaalla duleedka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Waxaa Shilkaas u gurmaday dad fara badan oo ay ku jiraan maamulka degmada Kaaraan kuwaasoo ku guuleystay iney saacado ka dib meydadka dadka geeriyooday ka soo saaraan kaawada duntay hoosteeda.

“Meydka dadka naga dhintay waxaa qaatay eheladooda kuwii dhaawaca ahaana waxaa la dhigay isbitaalka Keysaney oo ku dhow dhulka kaawada laga qodo, marar badan ayeyna shilalka noocan ah dhaceen asxaab badana waa ku weynay” ayuu yiri mid ka mid ah xoogsatada ka shaqeysta kaawooyinka.

Dadka ka shaqeysta godadka laga qodo kaawooyinka laga soo saaro dhagxaanka lagu dhiso guryaha ayaa la kulmo khataro mararka qaarkood ay naftooda ku waayaan, waxaana dadkaas ay sheegeen iney waayeen shaqooyin kale oo ay qabtaan, ayna dantu ku qasbtay qoysaskooda iney biil uga raadsadaan Kaawo qodida.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.