لا اله الا انت سبحانک انت ربی فاغفر لی انی كنت من الظالمین
Waxaa wali aan furmin Kulanka Golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya,oo maanta uu qabsoomayo kalfadhiga 5-aad kulankiisa koowaad. Ajendaha kulanka ayaa ah sida uu sheegay Guddoonka warbixin laga dhageysto guddiga Dastuurka oo ka hadlaya halka ay mareyso dib u eegista Dastuurka dalka oo 10 cutub oo ka mida wax laga bedelay.
Qaar kamid ah xildhibaannada kasoo horjeeda Xukuumadda ayaa diiday in ajendaha maanta la guda galo iyagoo guddoonka ka dalbaday in ajendaha maanta laga dhigo xaaladda amniga magaalada Muqdisho, islamarkaana la joojiyo ajendaha ay soo diyaariyeen Guddiga joogtada ah ee Golaha sahcabka. Xildhibaan Ahmed Moallin Fiqi & Xildhibaan Abdi Fitaah Daahir Ismail oo labadooduba ka tirsan Xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saakay Xarunta Golaha Shacabka La tagay warqadaha idin muuqda. Arinta la yaabka leh ayaa ah in Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo taageersanaa Mudooyinkii dambe Dowladda Soomaaliya uu ka qeyb ka yahay Xildhibaanadda saakay la tagay xarunta warqadda. Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa saacad dheeraad ah ku daray waqtigii furitaanka ee kulanka kadib markii kooramku buuxsami waayay. Kulamada golaha ayaa sida uu xeer hoosaadka dhigaya la doonaya iney ku furmaan 139 mudane.