Iyadoo Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Khadro oo la sheegay in ay ku hor foolatay Isbitaalka WARDI ee xaafadda Unicef Degmada Hamar-Jajab. Dhacdadaas oo hadal-haynteeda ku badatay Baraha Bulshada ayaa waxaa ii suurtagashay in aan wax ka weydiiyo arrintaan Dr Cabdirixiin Cumar oo Agaasime ku xigeen ka ah Isbitaalka WARDI islamarkaana ka mid ah Dhaqaatirta Qaliinada Sameysa , waxa uuna yiri
“Waqti dambe Xaley ah ayaa Gabadhaasi Isbitaalka timid, sida uu sharcigu qabana waxaa laga buuxiyey foomka warbixinteeda si loo hubiyo Caafimaadkeeda waxaa kale oo aan weydiinay in ay la socdaan wax ehel u ah, waxayna noo sheegtay in aysan jirin wax la socda”,
Wuxuu sii raaciyey Dr Cabdiraxiim “Waxaa ka dalbanay inay dad ehelkeeda ah wacato, balse way ka meermeertay, Aakhirkiina banaanka ayay u baxday iyadoo weli Dhaqaatiirta ku Howlan yihiin Xaaladeeda , halkaas ayayna ku qabatay foosha, waxaana u soo gurmaday isla Dhaqaatiirtii isbitaalka oo caawiyey”.
Dhakhtarku wuxuu sheegay in isbitaalku yahay mid lacag la’aan oo loogu talagalay Haweenka iyo Carruurta in lagu Caawiyo , wuxuu sheegay in aysan jirin wax lacag ah oo lagu xiray Gabadhaas isla markaana hadafka isbitaalka uu yahay in dadka aan laga qaadin wax lacag ah isagoo Xusey in maalin waliba uu Isbitaalku si lacag la’aan ah uu u qaabilo Boqolaal Haween iyo Caruur ah, ugu dambeyn Dr Cabdiraxiim wuxuu u soo jeediyey Warbaahinta iyo dadka wax ku qora Baraha Bulshada in warbixinada ay qorayaan ama faafinayaan Xaqiiqda ka abaaraan