Home Afsomali Nin ka cararay Gabar uu shukaansaday

Nin ka cararay Gabar uu shukaansaday

Run Sheeg waa Ceeb sheeg hadana in la qariyo waxaa ka wanaagsan in la sheego

Sheekadaan aan ugu magac darey dhan walbo ka eegis kuma socoto qof qabiil iyo qolo gaar ah

Waxaana u ku hal qabsanayaa laba qof oo wada sheekeysaneysa oo aan ku magacaabay

A and B kuwaas oo ah  reer Magaal  aan is aqoon hadana ka sheekeysanaya qaladaadka isbedelka dalka guud ahaan ka jira .

Waxaana bilaabay A asalaamu caleykum

B oo aan la yaaban ninkaan salaanta kula dul dhacay ayaa salaantii ka qaaday una celiyey mid la mid ah

A inta uu dhoola cadeeyey ayuu ku yiri qof aan garanayo ayaan ku mooday oo aad isku egtihiin ee iga raali ahaaw .

A micno malaha in la isku qaldamo oo somalidu wey isu wada egtahay

B idacada ayaan dhageysanayey waxaana ka maqlay nin wax qalday wuxuuna ka hadlayey wasiirkii hore ee gaashaan dhiga sareeye Guud Maxamed Cali Samatar wuxuuna ku sheegay sareeye gaas

B sareeye gaas ma aheyn wuxuu ahaa sareye Guud ayuu la soo booday waxayna isla garteen in uu ahaa sareeye Guud .

Qaladkaas ayaan ka dhageysan waayey idaacada isaga oo ku celcelinayey waxaan hawada ka salaamayaa saraakiishii dowladii dhexe ee Burburtay oo uu ka mdi ahaa Marxuum sareeye gaas Maxamed Cali Samater inkasta oo aan waqti u helin in aan idaacada ka saxo  wuxuu sii raaciyey la yaab malaha waa ilmo yaryar oo waqtigu saaciday .

B Maxamed Cali Samatar wuxuu ahaa sareeye Guud ciidamadii dowladii tagty isaga ayaa ugu darajo sareeyey mase gaarin marshal iyo fiid marshal Marxuum Maxamed Siyaad barre isagu wuxuu ahaa sareeye gaas .

A ayaan dhoweyd waxaan idacada ka dhageysanayey wariye leh heestaa waxaa idiin qaadaya yuusuf maradoona heestana waxaa qaaday fanaan la yirahdo yusuf maradoon balse wiilkaani wuxuu maqlay magaca ciyaartooyga Maradoona wuxuu u qaatay ciyaalkaan gaalada magacyadooda la baxay sidaana fanaanka ugu  yeerey Yuusuf maradoona.

B waxaana la yaabay Idaacadaha heesaha laga sii dayo waxaana lagu sheegaa in uu qaadayo hadba qofkii magaciisa la yaqaano ,wiil hadii uu adeer waayo Abti ma waayee  waxaana sababatu tahay  marka fanaanka heesta qaadayo magaciisa ma naqaan idaacada kuma haboonay.

Waa ereyadii Maxamuud Cabdulahi Sangub iyo kooxdii hoboladii waberi 

A anugu waxaan Joobgooge ka ahaa maalintii ugu horeysay Cabdulaahi yuusuf uu ka soo kicitimay baydhabo ee uu soo gaaray deegaanka carbiska waxaana ku jirey dadkii soo dhaweeyey ee uu gacan qaaday kolkii uu diyaradii helekabtarka ka soo dagay idacada ka dhageystay habeenkii Madaxweynaha Dowlada KMG ah Corneyl cabdulaahu Yuusuf Axmed ayaa galabta ka so dagay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada  Afgooye waana wariye nin weyn ah balse wax aqoon ah uma laheyn Gobolada Koofurta Somaliya .

Waxaana mar kale ka maqlay isla wariyihii isaga oo idaacadii ka leh ciidamada dowlada ayaa gaaray Xaafada sadaxda biyaano oo uu ula jeeday degaanka taree biyoono oo aan xaafadna aheyn .

Wariyayaasha qaarkood ayaa u dhaqma sidii jabhad meel qabsatay .

B nin yahwo waxaad tahay qof cajiib ah ha ka hor ayaa nin aan saaxiibo nahay wuxuu iiga sheekeeyey arin qabsatay

A haye

B waxaana kuwa kulanay Axmaday wasaradii aan ka shakheynayey Xili aan salaamayey gabar wasiirka xoog heyn u aheyd wuxuuna iga codsaday in aan gabadha baro ilaa wa ilaaba waxaan u sheegay in aan nahay reer tabareyd qofkaana aysan aheyn qof Nagu leebal ah wuxuu ku cel celiyey xasid ayaa tahay maa I bartid sidaan kaama filayn calaacal saaxiibkey hadalo ayuu igu xasid kuguma ihi ee qoftaan qarashkiisa kama bixi kartid ee joog maya  ilaa markii danbe aan ku laabano wasaaradii gabadhu ka shaqeyneysay oo aan si kal iyo lab ah isu baro labadoodii waana qof firfircoon oo reer magaalo weynaatay ah  dhinac ayuu ula baxay anigii ayuuba iga qarinayaa waxaanse ka maqlayey goorma ayaa ku arki karaa waxayna isaga ku tiri habeenka Jimcaha soo galeyso ka waran iyo isgoyska dabka Candhuufta ayuu dib u liqay waaba meel u dhow xaafadiisa sidaa ayaa lagu wada balamay wuxuuna heystaa dhwor maalmood uu qarash ku urursado macalinku Buunsho iyo maankaal ayuu gadi jirey markii ay lacagtii ku yaraatayna wuxuu ku soo darey lacag yar oo u ukumo digag kaga ganacsan jiray isku soo wada duubo kun shilin ayuu soo diyaarsaday bal maxaa waalay waxaa la gaaray waqtigii balantu aheyd shaarkii ayuu soo feereysta habeenkii laba saac ayuu soo istaagay halkii balantu aheyd wuxuu sugayey qof soo lugeyneysa ee waaba taxi ka yimid dhanka howlwadaag agtiisa taagan oo leh soo gal gacaliyey waxay soo qaadatay tagsi 4 saacadood ka hor oo ay la mareysay magaalada meeshii ay doonto ,waxay wadataa goono gaaban oo jilbaha ku eg iyo boorso qurux badan madaxana waa qawan yahay waxaya u dhaqaaqeey dhanka sayidka markii la gaaray shineemo nasar ayey tiri darawal jooji gariga ninkaan ayaan isla meel dhigeynaa jadwalkee .

Labadoodii taxiga kursiga adanbe ayey fadhiisteen waxayna ku tiri waxaan kuu aqrinayaa ajandaheena caawa ee dhageyso maadaama aan ku balansana adiga taxigaan waxaa soo qaaday 4 saaadood ka hor wuxuuna rabaa 3000 shilin waa yaabay isaguna wuxuu sitaa kun wuxuuna dareemay hadii uu bixiyo in durbadiiba laba kun lagu yeeshey waxayna u raacisay in ay shineemada galayaan oo ay haaf teembo fiirsanayaa ka dibna ay aadayaan 54 kalaab la yirahdo oo lagu caweeyo ninkii markii ay xisaabtii gabadhu mareyso ku dhawaab toban ku ayaa xisaabtamay taxigii ayey ka dagtay iyada oo leh lacagta bixi wuxuuna ku fikiray in uu cararo barina ku yiraahdo lacagtii ayaa tuug iga dafay sidii aan u cersanayey waxay igu qadatay 3 saacdood sidaan ayaan ku kala lunay markii shineemada loo dhawaaday ayuu jeebka danbe gacanta galiyey cagaha wax ka dayey orod ayuu ku galay jiiro maafiyo oo dhinaca ku heysay taalada dhagaxtuur hoos ayuu u raacay isaga oo gudaha u galay xaafadii isku raran yaaba arkey sidaa ayuu ku cid galay saaxiibkey waxaase u fakaday lacagtiisii oo aan laga taaban ayuu la guryo noqday gabadhii iyo tagsiilihii oo isku haray  ayan wax weyn ka soo qaadin arint ka dib markii gabadhii u sheegtay in ninkaa la doonayey in uu quusto balse lacagta iyadu bixineyso maadaama uu imtixaankii koowaad uu  ku dhacay ninkii la socday .

Ninkii oo maradoon dheer galay ayaa u tagay Goobtii ay dhalinyarada Xaafadu iskuugu iman jireen wuxuuna kula kulmay saaxiibadii iyo ninkii gabadha baray wuxuuna uga sheekeeyey wixii kala qabsaday isaga taxigii iyo gabadhii iyo sidii uu u furdamiyey lacagtii yareyd ee sida dhibka badan uu u soo helay .

A Jiira maafiyo marka horey loosii galo waxaa kule oo jirey ceel rati jiido wadaanta waxaana u dhaweyd suuq la yirahdo ku dhacdo waxayna aheyd meel tuugtu ku kulmaan oo magaalada inteeda kale aan la mid aheyn

B waxaana xasuustaa balanbaladii mooska tubey naado la dhihi jirey taasi oo kale in la arkaayo uma maleynaayo sanbuuskii waa weynaa iyo nacnacii garameel aranjatadii fuustada biyaha ah lagu daraayey .

A la arki maayo oo hada waxaa joogo nin wasiir shaqo ka bilaabay bariga aad sheegeyso reer keena waxaa biyahay u shubi jirey nin wato dameer afar tanag ay saran tahay oo inoo shubi jirey laba tanag oo u dhiganta 40 litir biyo ahaan

B waxaan xasuustaa hadii manta la keeno laba tanag afar maamood ayaa lagu moodi jirey .

A waxaan ku weydiiyey hada arintaasi maxaa loo waayey waatanoo guri kasta bishii waxaa lagu dalacayaa ugu yaraan 60 fuusto in ay isticmaaleen iyo wixii ka badan barakada maxaa ka qaaday biyaha waxa kale halkooda ha joogaane aniga qoyskeyga Bil ayaa la igu soo dalacay $69 doolar  Boono ay ku qoran tahay imisa fuusto ayey Nooqoneysaan waxaana weydiiyey biyo qarar ah maa intaa qiimahoodu noqdeen meeshu waa guri dadka joogana 10 qof waa ka yar yahay ee faanto miyaad nasiiseeyn mise cabitaan kale waa maxaay 69 doolar ileen faanto miyaan cabeynay oo aan ku qubeysaneynay  meeshu maqaayad maahee ilaa markii danbe tubadii ay naga jarteen sidaana na looga saaray liiska macaamiisha biyaha ay shirkadu siiso .

B wax kasta waa Baraka beeleen baladkaan markii u baladka ahaa oo magaaladu fiicneyd wax walbo barakadooda ayey lahaayeen hada wax kasta waa la dhalan rogay wixii aad ogeydba maaha birimo iyo sugunto ayey inoo keeneen .

A waxaa igu maqalo ah in ganacsata Somaliyeed oo ogsoon in dalka uusan ka jirin wax dabagal ku sameyneyso badeecadahood in ay yiraahdaan marka ay warshadaha dibadaha wax ka iibsanyaan in dalabkoodu ka mid yahay badeecada aan tayo laheyn waqtiga dhicitaanku dhow yahay ama dhacayba waxaana ka marag ah Markii aad tagto farmacy oo aad kun dhiibto waxaa lagu siinayaa ilaa 4 xabo kaniini ah marka u qeybi warshadii soo saartay kiimikadii dawada laga sameeyey diyaaradii dalka kentay faiidada ganacsadu ka helayo isma bixin karaan ee meesha waxaa ka jira dadweynaha ha loo sheego iyaga ayaana jawaabta laga sugayaa .

B nin farmacy joogo ayaan ku iri hebel aaway wuxuu ii sheegay in uu shaqdii ka eryey ka dib markii uu ku arkay wax aan bulshada u wanaagsaneyn haye Muxuu sameeyey waa yaabe ninkaasi nin fiican ayuuba ahaaye ,wuxuu keensaday 10 cirbadood oo qaali ah taasi oo 5 ka mid ah dadka uu ku durayey biyaha ceelka laga soo qaado wuxuun  ahaa qof kasta oo lagu mudo xanuun dartii in uu yiraahd aax caawa irbadu kululaa bis iga dhex cudurkii waan ka biskooday qofkii oo aan adkeysan Karin cirbada biyaha ceelka saliingaha looga buuxiyey Dr laayac ayaa dadka yiraahdaan wuxuuna qofkii uu biyaha ceelka  ku duro ugu sheekeeyo in ay dawado tahay mid kulu oo weliba qaali ku soo gashay waxaana farmashiga u dhaxyaal jiiragaan sadax litir qaad ah oo biyo ceel ku jiraan

A haay bisinkow abow abow biyo ceelaa .

B Marka sidaas ayaa ku arkay Dr laayac waana iska buriyey

A Saaxiib Sheekaba sheeko ayey keentaaye Qolo farmashi ugu furan xaafadeyna oo aan u fiidsi tagi jiry ayaa habeen habeenada ka mid ah waxaa u timid gabar garcatay oo dooneyso in ilaha laga soo daadiyo

Qolka danbe ee sheybarka ayaa la geeyey waxayna sheegtay rabitankeeda ku aadan in ilmaha laga soo tuuro ah waxaase la balamiyey maalin ka dib waxaana go.aan lagu gaaray in ay danbi tahay in ilmo uur ku jira la soo rido dhiig la galo dad la dilo ayna ka wanaagsan tahay in halkooda lagu xanaaneeyo oo gabadhaan kolka ay timaadaba irbad fitimiin ah lagu duro dhalinyardii sidii ayey sameeyeen ilaa ay gabadhii ka samirto ilm iska soo tuuris oo dhan waxayna taa bedelkeedii la heshiisay ninkii markii horaba uureeyey .

B wadankaan gacan ku dhiigle badan ayaa joogto waji kasta wax haku dilee wadamada maraykan iyo yurub waxaa ku nool dad badan oo aan wax shqo ah heyin maqaayadaha iyo jardiinooyinka iska fadhiya waa iska nool yihiin waa iska qoslaayaan cidna uma maqna ceelna uma qodna mustaqbal malaha shaqo uma dheelmanayaan dadka sidaas oo kale ah waa isdilaan ilaa iyo inta ay ka dhimanayaa sidaa ayeyna cadaab ku muteysanayaan .

Somaliya dowlad fiican malaha nidaanka ay ku socotana waxaa lagu tilmaami karaa iska noolow waxayna bushoyinka dunida uga wanaagsan yihiin waa rajo ku nool meel baa wax laga cunayaa midbaa leh aniga ayaa dhiibay shaah baa la wada cabayaa qof hortiisa wax lagu cunayo ma jirto ruxuu baahan haduu yiraa waa baahanahay cid wax u diideysa ayaa iska yar hadiiba ay jirto

A haa wadamada shisheeye dadku dhamaan waa wada shaqo tagaan subaxdii waxaa loo wada socdaa dhanka warshadaha waxaad arkeysaa dadkii oo jidka inta ay ku sii jiraan wadada ku quracanayo ama maqaayadaha istaaga wax ku cunayo ,caruurta marka ay qaangaaraan cida wax raashin ah iyo labis kuma laha marka uu waxbarashada dhameeyo iskii ayuu u qaraab tagayaa inaguna sidaa waa ka bedelanahay oo nin weyn oo waxaad arkeysaa aan weligii shaqo tagin guirgana ka cunteeyo ama reero ay xigaan yihiin la nool

Nin aan saaxiibo nahay oo aan cidi biilin ayaa subaxdii siduu jaro ciyaar ugu fadhiisto maqribkii ka soo kaco markaasuu dadka leeyahay ma qadaynin mana quraacan wuxuuna shaxda ama jarta la dheelaa odoyaal kale oo dibadaha laga biilo kuwaas oo waqtiga qadada marka la garo midba mar ka dhunta Maqaayadahana wax ka so cuna markii danbe ayuu tashada wuxuuna go.aansaday in uu iska daayo falkaan uuna shaqo bilaabo maadaama aan cidi u maqneyn wuuna iska daayo baryo danbe iyo jaro ciyaar waqtiga uu ku lumiyo

B dad waa dadkii hore hadalna waa inta u yiri nin yahow maxaad tahay reer magaal sida aad warka u dhigeysid ayaan arkaaye ayaa hore ayaa nin igu dhacay markaasuu  yir war maxaad iigu dhacday inta uu isoo fiiriyey ku yih an maa ku istaajiyey

A nin askari ah ayaa iga celiyey  meel qarax ka dhacay markii aan weydiiyey oo aan yiri maxaad meesha in aan arko iigu diideysay ayuu igu yiiri saaxiib anigu amarka madaxdeyda ayaa ku shaqeeyaa markaa ayaan ku iri midka isqarxiyeyba amarka madaxdiisa ayuu ku shaqeynayey marka waxba isma dhaantaan wuu igu xanaaqay waxuuna ii geeyey taliyihiisii kaasi oo ku maslaxay in uu iska daayo bacdamaa uu hadal kaliye yahay shaqo culusna ay hayaan .

B waxaa inoo dhow xero ciidan oo aan laheyn xarigle laba alifle isbatoore dhamaantood waa dable iyo sarkal sare sida lacagta shlinka somaliga ah looga waayey Kumi .taano nus shilin shilin 5 shilin 10 shili 20 shlin 1oo shin darajadu sarif malaha waxaana mid ka mid ah ii sheegay in uusan mushaarna ku qaadan cidna ku xakumin balse uu iska sito maarta sharafta leh oo ay labis ahaan ku qorxoon tahay marka ay dushiisa ka dhaldhalaaleyso waxaana mararka qaar marka aan xerada agteeda marayo aan arkaa gaashaale dhexe oo ul Heysto oo irida dadka galaya celinaa ama su.aalo weydiinaayo .

A waxaa aan tagay saldhig bolice anoo dacwo ah maalin ciida waxaa la ii sheegay in aan manta wax dacwo ah la qaadeynin waa yaabay waxaan dhacay si kasta oo ciid ay u jirto hadana weligey ma arkin saldhig ciidan oo la leeyahay waa ciid ama albaabkiisa la xiray oo waxaan la yiraahdo nin lagu seexdow ha seexan side ku dhacday mid ka mid ah askarta oo qori sida ayaa igu wargeliyey in uu talihii amray sidaa waxaan ku iri taliyuhu ma sarkaal beeleeyd baa wuxuu iigu jawaabay sarkaal beeleed waxaasi kama soo yeeraan ee waa sarkaal caadi ah reer ba’ow yaa ku leh maalmo ka dib ayaan tagay isla saldhigii waxaana u sheegay dacwada aan qabo askrigii maya dacwada noocaan oo kale ah saldhigu wax shaqo ah kuma laha maxkamada tag haye maxkadii ayaan tagay waxaa la igu war geliyey in aan gal dacwadeed furto lacagna dhiigo hadii kale aan iska daayo dacwada adiga ayey ku jirtaa baa la igu yiri hadaada gal dacwadeed furaneyn cid kula hadleysa ma jirto waxaan baadi goobay lacagtii aan galka ku furan lahaa maamo ka dib  ayaan tagay maxkamadii oo aan dhiibay dacwo furashadii waxaan maqli jiray faaliyaha ama kuwa yiraa waxbaan sheegnaa oo dadka ku yiraahdo dahab iyo filo ama lacag hortooda ayaa la dhigaa sidii ay wax u sheegaan markii aan lacagtii shubey ninkii aan lacagta u shubay baaba I shaxaaday ka dib warqadii u yeeritaanka ayaa la ii qorey qofkii u geynayey ayaa yiri waxaan rabaa lacag arkarigii ku raacayey wuxuu rabaa lacag Markii xukunkii dhacay waxaa la yiri xukunkii waa dhacay waxaa la rabaa in garsooraha maxkamadu ku dhawaaqdo oo warqad laga aqriyo sidaa darted ninkii karaaniga ahaa ee warqada qorayey wuxuu rabaa lacag .

B aniga waxaan arkay nin tuugo lagu haayo oo danbigu ku cadyahay in markii la xireyninkii uu wax ka xaday ee dacweeyey la yiri qadadiisa quracdiisa iyo cashadiisa waa dushaada inta uu xiran yahay

Qofku haduu  yiraahdo aniga raashinkiisa maxaa iga quseeyo waxaa loo sheegayaa in la sii deyno haduusan xariga ku biilin.

Ninka tuuga ah wa u dan oo wuxuuba heystaa raashin joogto ah hadii la dayana waxaaba suurta gal ah in uu geysto tuuga nimo kale si uu u helo rashin joogto ah .

A waxaan arki jirnay qofkii manta la xiro in uusan saldhiga raashin ku laheyn Mudo  balse 24 saac ka dib dowladu siineyso hada wixii waa isbedeleen warkii hore war soo dhaaf ayey mareysaa xaaladu .

B xaafadeynta nin dagan ayaa mobel bistoolad been been ah looga qaatay mobelkiina isla habeenkii ayuu iibsaday ninkii mobilka laga dhacay markii uu tagay saldhiga waxaa laga dalbaday in uu taxi kireeyo si loo soo qabto waxaana raacday laba askari oo ay ku baxday $10 Mobelkana qiimahiisu waa $30 markii la soo qabtay ayaa ninkii laga dalbaday lacag lagu iibiyo waraaqihii lagu qori lahaa dacwada

Tuugii habeenkii saldhiga ayuu ku baryey subaxdiina ninkii markii uu yimid waxaa laga dalbaday in uu maxbuska quraacdiisii keeno markii qarashkii uu ka sara maray lacagtii uu mobileka ka biiyey ayaa loo sheegay in tuuga maxkada la geynayo bari isna laga doonayo tagisii lagu qaadi lahaa kiradiisa iyo ciidankii raaci laha xaqal shaahooda in uu soo diraariyo

Odaygii wuxuu xisaabiyey lacagtii mobile lacag ka badan wuxuuna go.aansaday wuxuuna ku jawaabay intaas lee hanaga ahaato wax dacwo ahna ma qabo waana iska cafiyey maxbuuska wuxuuna sii raaciyey hadaba aniga qadadiisa iyo cashadiisa la iguma laha

A nidamkaa xagee inaga soo galay in sidaan wax noqdaan yaa ka mas.uul ah

Wasaarada arimaha gudaha iyada ayaa laga rabaa in rashinka maxaabiista iyo dhamaan

Bl dhageyso Somalidu Maxay isku heysataa oo ay isu dileysaa 

Wax Ka Ogoow Soomaalidu Waxa Ay Isku Haysato
4 Arimood Ee Ugu Horeyso Ay Soomaalidu Isku Haysato Waxaa Kamid Ah

1 Lug Lulumo
2 Lis Kaneeco 
3Leg Quraanjo
4 Iyo Lafa Aboor

Afarta Kala Dishay Soomaalidu

1 Lur Aduunyo
2 Lib Xumaato
3 Lib Magoyso
4 Lar Qabyaalo

Afarta Dhaqanka Cusub Ee Soomaalida Maanta

1 Shax Ladiido
2 Sun Dabiib Ah
3 Shir Gudoon Ah
4 Saf Qiyaano

Soomaalidu Afar Arimood Ayaa Looga Caal Waayay

1 Gar Qaloocan
2 Gaf U hiili
3 Gab Dantaada
5 Iyo Gub Dalkaaga

Soomaaliya Afar Nin Ayaa Baa Bah Ka Dhigtay

1 Mufti Eexda
2 Mas Uul Tuug Ah
3 Marag Iib Ah
4 Mufsad Duub Ah

Soomaaliya Afar Arimood Ayee Ubaahantahay

1 Rabi Aqoontii
2 Rasuul Adeecii
3 Rafiiq xalaal Ah
4 Rasaas Lajoojsho

Waxay Soomaaliya Maanta Kamaarmi Karin

1 Dan Wadaag Ah
2 Dar Nadiif Ah
3 Dad Is Raaca
4 Iyo Dib Loo Heshiiyo

Soomaaliya Waxaa Heer Fiican Gaarsiin Kara

1 Qusuusi Caagan
2 Qalbi Saliim Ah
3 Qabyaalad Reeban
4 Iyo Qaran Heshiis Ah

Afarta Soomaaliya Hogaamin Karta

1 iimaan Caadil Ah
2 Akhiyaar Talisa
3 Aqool Suuban
4 Iyo Ubad Rabeysan

Tobankaan Arimood Oo Aan Tobanka Lahayn Baa Soomaaliya Maanta Rogtay

1 Hunguri Aan Xisaab Lahayn
2 Hiil Aan Aakhira Lahayn
3 Hawraar Aan Duluc Lahayn
4 Hogaan Aan Samir Lahayn
6 Haye Aan Yool Lahayn
7 Jacayl Aan Hadaf Lahayn
8 Hal Beeg Aan Qiyaas Lahayn
9 Haraad Aan Biya Lahayn
3 Hawraar Aan Duluc Lahayn Lahayn

Maah Maahda Ku Baro Xisaab

1 Federaal Mixnad Ah Oo Lagu Daray Dastuur Mugdi Ah Oo Lagu Daray Xidhibaan Mac Mal Ah Oo Lagu Daray Mooshin Iib Ah Oo Lagu Dhuftay Madax Ardaab Ah Oo Loo Qeybiyay Maqoorad Fool Xun Waxay Lamid Tahay Qaran Mad luun Ah Oo Dacwoonaya

Tobanka Arimood Ee Soomaaliya Maanta Ay Ubaahantahay

1 Shakiga Oo Laga Xafido
2 shartoo Laga Xijaabo
3 Shaqaaqada Oo La Dhawro
4 Shafeecada Oo Lagu Heshiiyo
5 Sheydaanka Oo Laga Naaro
6 Showrkoo Leysku Raaco
7 Shuruudaha Oo La Oofiyo
8 Shan Shada Jaban Oo Lakabo
9 shukriga Ilaah Oo La Badiyo
11 Iyo Shi Sheeye Aan Lagu Tashan
Ninkastoo Raba In Uu Hogaamiye Caan Ah Noqdo 11 Arimood Ayaa Jirto Oo Laga Rabo In Uu Sameeyo
1 Waa In Aad Keeni Kartaa Qorsho Turxaan Leh
2 Waa Inaad haysataa Odiyaal Aan Tafo liidin
2 Waa In Uu Reerkiinu Leeyahay Dhalinyaro Takooran
3 Waa In Ay Leeyihiin Boobayaal Tam Caaran
4 Waa In Aad u Heli Karto Hor Jooge Tuug Ah
5 Waa In Uu Jiraa Daris Tagoog Yar

7 Waa La Helaa Aano La Tiiray
8 Waa In Uu Jiraa Guubaabshe Taaho
9 Waa In Aad Heli Kartaa Gabdho Tol La Ayee Been Ah
10 Waa In Ay Geesan Karaan Tahluuko Xoogleh
12 Waa In Aad Leedahay Idaacad Tabisa
Markaas Waxaa Tahay Hogaamiye Caan Ah Oo Laga Daba Dhaco

Wasarada cadaalada waxaa laga rabaa in ay bixiso qalabkii iyo waraaqihii iyo guud ahaan wixii lagu socodsiin lahaa dacwad kasta oo soo gaarto wixii ku bixi lahaa ciidamada kala duwan ee garsoorka quseeyo

B Magalada oo dhan waa isla yaaban yihiin dadkii hore iyo kuwa danbe waa isla keeni la.yihiin waxaad moodaa dibi midba gobol laga keenay oo xero la isugu geeyey ayna ku jiraan kuwo geeso waaweyn iyo kuwa aan geesaba laheyn

A saaxiibow wxyaabo badan ayaa qaldan miisaankuna buxuu isii liicayaa danka qaladka waxaad Magaalada ku arkeysaa mooto bajaaj fareejo ayey la baxaysaa mana leexaneyso waa ku hor sacotaa hoona ayaa u yeerineysaa orodka ayuu ku sii darayaa marka danbana dhankii aad mari laheyd maahee dhankii kale ayuu seed kaa siinayaa .

B waxaan waa wax la inoogu tala galay maxaa yeelay dowlada dhisitaankeedii waxaa laga soo bilaabay xildhibaano IMbgati dadkii la soo xulay waxaa dhabarka ka soo taabaneysa dowladaha Ethiopia iyo Kenya oo aan ognahay waxa kala dhaxeeyey somaliya burburkii ka hor Madaxda dalka ee maantana waa wax ka yimid halkaa

A war waa nala qaatay sxb hada badda ayaa la qaatay Waxaana Dacwada soo dhameeyey in la furo shaqsiyad somaliyeed oo la isla dhaxmarayo in ay lacago qaateen maalintii dowlada Somaliya ay dacwada geysay maxkada heeg ciidamada cirka ee Kenya waxay duqeysay gobolada gado iyo bakool waxay leysay shacab somaliyeed  la isma weydiin wararka qaarkoodna waxay sheegayaan iyo ay dad shacab somaliyeed ah qaarkood dugsiley ah ayaa  waxyeelo ka soo gaartay yaa u dirsaday la xisaabtan dowladeed meesha ma yaalo yaa sheikh

B nolosha Bini aadamka waa todobaatan iyo sideetan ninka manta lixdan jirka ah waxa u dhiman ayaaba iska yar wixii uu qayaanana waa ka tagayaa shaki la.waaye taasi dhul ha dhisto ama masaakiin kale ha dhaco .

A waxaad arkaysa guryo la leeyahay gurigaan hebel ayaa  dhisanayo midkaa waa masuul hebel shalay intii aan masuuliyada loo dhiibin waxba ma heysan gurina ma dhiseyni manta xagee ka keenay cid isweydiineysa ma jirto .

B waxaaba jirta weli lama maqal sarkaal wasiir xildhibaan ama masuul kale maxkamadi danbi ku heshay waxaan xasuustaa taliyihii ciidanka Asluubta oo isna la sii daayey iyo Maxamed Dheere oo danbi lagun waayey .

Xabsiyada kuma jiraan dad loo heysto xatooyo xoolo dadweyne intaana wax baa la dhacayaa

Inkast oo ay dadku su.aalo iska weydiinayaa madaxweyne Siyaad barre bulshada qaar ayaa leh ilmihiisa sida xasan rubeeti oo joogay kuraajo feera somalo ayaanle maslax taliyaha ciidamada guud  Shire Cali oo koofiyad casta xakumayey iyo kuwa kale ayuu nagu fasaxay oo reer magaal weyn ayuu ahaa wuxuuna  caruurtiisa kuwa qoray guryihiisii hadana ganacsii iyo dhismo shaqo kuma laheyn .laakiinse isteeso music waayey hadey ilmihii wax xadeen hadana odoyashii maxaa u diiday ayey xaajadu mareysaa

Madaxweyne Siyad barre sideetameeyadii wuxuu tagay dalka mareynka waxaana garoonka ku sugayey madaxweynihii maraykana haatana madaxweyne Africaan ah haduu tago waxaa loo dira soo dhaweytiisa agasime Waaxeyd .

Wuxuuna sameeyey waxyaabo badan oo loogu garaabi karo sida farbarashadii abaarihii dagaaladii dhismaha magaalooyinka .

A dowladu waxay ku guuldareysatay in ay dalka lacag shilin Somali ah u soo sameyso maadaama shlinkii uu sii dhinayo shaykastana doolar uu noqday xitaa tima jarihii waa doolar biilkii waa doolar wax aan doolar aheyn waaba yar yihiin masaakiintii tuugsaneysa waxay bilaabeen in ay dadka weydiistaan doolar .

B haatan xisbiyo iyo Ururo ayaa jira dowlada ku eedeeyey in ay sameysneyso dhul wax is daba marin iyo Musuqmaasuq waxaana jira dhul danguud ahaa oo hada la siiyey hey.ado iyo shirkado

A waxaan leeyahay 20 sano oo u dhiman inta lixdin jirda ah waxay tabcaan wax ay soo kordhineyso waa yar tahay ee masuul kastaa aakhiradiisa ha ilaashado suufigii wuxuu yiri .waxaana haboon in masuul kasta uu bulshada uga tago taariikh horomarineyd oo ku qotonto dal dad iyo diin jaceyl

Waxaa la yiri dooli ayaa ka shiray naxariis darada ay ku heyso mukulaashu wxayna isla garteen si loo ogaado marka ay reer dooli u soo gashao qoorta koor ama gambaleel haloogu xiro ama ha loo galiyey waxaana ay ku heshiin wayeen cidii qoorta mukulaasha u tagi laheyd sidaas ayuuna ku fashilmay uguna danbeysay wadahal uu dooli ka yeesho aay mulaal

Haatan waxay joogtaa sharci kitaabka iyo diinta aan ku dhaqano waxaase la la.yahay cidii bulshada ku dhaqi alaheyd

Banuu maa sakanow waa dhisaayaan mana ku waarayaan

Jamacuu maa akalow waa aruurinaayaan maalka mana cunayaan

hanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

somalisan@gmail.com
Muuse Maxamuud Jiisow
00252-61-5576666
00252-619622221

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.