Home Afsomali Xildhibaan Cabdi Bare Jibriil Siyaad Barre 21 sano wuxuu dalka ka safray...

Xildhibaan Cabdi Bare Jibriil Siyaad Barre 21 sano wuxuu dalka ka safray 35 jeer Xasan Sheikh wuxuu safrey 482 Jeer. Cumar Cabdirashiidna ….

Siyaad Barre 21 sano wuxuu dalka ka safray 35 jeer, balse Xasan…

Xildhibaankii hore ee baarlamaanka Federaalka Cabdi Bare Jibriil ayaa saxaafada soo gaarsiiyay warbixin kusaabsan

safarrada dibadeed ee madaxdii hore ee Soomaaliya iyo kuwa maanta.

AKHRISO QORMADA

1 – Maxamed Siyaad allaha u Naxariiste dalka wuxuu Xukumey 21 Sanno wuxuu dalka

ka Baxay 35 jeer Asago ka qeybgalay Shirra Caalami ah iyo kuwo lagu Marti qaaday

2 – Cabdiqaasin Salaad wuxuu Madaxweyne ahaa 4 Sanno Dalka wuxuu ka baxay 25

Bari.

3 – Abullahi Yusuf alaaha u Naxariiste wuxuu Madaxeyne ahaa 3.5 Saddex Sanno iyo

Bar wuxuu dalka ka baxay 19 jeer.

4 – Sheikh Shariif wuxuu Madaxweyna ahaa 4 Sannno wuxuu dalka ka baxay 285.

5 – Xasan Sheikh wuxuu Madaxweyne ahaa 4 Sanno Dalka wuxuu ka Baxay 482 Jeer.

6 – Ra’iisal wasaare Galayr wuxuu Dalka ka baxay 19 jeer, (Xasan Abshiir Farax

wuxuu Dalka Baxay 3 Jeer

7 – Maxamed Abdi Yusuf 1 Hal Safar oo kaliya.

8 -Cali Maxamed Geedi 9 jeer

9 – Nuur Cadde 15 Jeer.

10 – Cumar Cabdirashiid, wuxuu dalka ka baxay 35 jeer waa xiligii 2009

11 – Farmaajo wuxuu dalka ka baxay 16 jeer

12 – Gaas wuxuu dalka Baxay Markuu Raisal wasaaraha ahaa 28 Jeer.

13 – Saacid wuxuu Dalka ka baxay 3 jeer oo kaliya

14 – Cabdiwali Sheekh Axmed Yuulka wuxuu dalka ka baxay 9 Jeer.

15 – Cumar Cabdirashiid wuxuu Hadda Marayaa 195 Jeer.

MAAMUL GOBOLEEDYADA

1 – Axmed Madoobe 22 Jeer

2 – Shariif Xasan wuxuu Marayaa 19 jeer

3 – Cabdikariin Guuleed wuxuu Marayaa 14 Jeer

4 – Cali Cabdullahi Coosoble 1

5 – Ninka Iskoorka Jabiyey Waa C/weli Gaas, wuxuu Marayaa Saddexddii Sanno uu

joogey 253 Safar.

Marka bal qiyaasa dadkaas dhaqaalaha Micnidarada ah oo ku baxay iyo Nin 21 dalka

Xuukumay oo safray 35 jeer oo kaliya. Waad mahadsan tihiin.

Waxaa Diyaariyay: Xildhibaan Abdibare Jabriil

Dhageyso Allahayoow Dhulkayaga amaankiisa Nimuu eedo ka ilaali

Awoodayadaan Baranay waxay ay cadeyneysaa in somalidu isku dashay cid kala celisana ay weyday in hubka la iskuugu dhiibo mooyee waxaanu idiin doorbiday

Awoodayadaan Baranay iyo  codkii fanaaniinta Faraax Siidow faarax iyo Hibo maxamed oo ay la Jiibinayaan Hoobaladii Waaberi, Erayadii Abwaankii weynaa ee

Yuusuf Aadan Allaale (AHUN) ee ay walaalaha ahaayeen Abwaankii kale ee caanka

ahaa Cismaan Aadan Askari (AHUN). Dhegaysi Haboon.

Miraha heestaa waxaa ka mid ahaa

Awoodayadaan Baranay waxay ay cadeyneysaa in somalidu isku dashay cid kala celisana ay weyday in hubka la iskuugu dhiibo mooyee waxaanu idiin doorbiday

Awoodayadaan Baranay oo codkoodii

fanaaniinta Faraax Siidow faarax iyo Hibo maxamed oo ay la Jiibinayaan Hoobaladii Waaberi, Erayadii Abwaankii weynaa ee

Yuusuf Aadan Allaale (AHUN) ee ay walaalaha ahaayeen Abwaankii kale ee caanka

ahaa Cismaan Aadan Askari (AHUN). Dhegaysi Haboon.

Miraha heestaa waxaa ka mid ahaa

(1)

Nacabkayagaan Aragnay

Is ilaaliyaan Baranay

Aayaha Dhulkaan fahanay

Dad is aaminaan Noqonay

Isku uursan baan noqonay

Isku Aabba aan noqononay

Allahayoow

Dhulkayaga abuurkiisa

In ilqaado ka ilaali

Alahayoow

Dhulkayaga amaankiisa

Nimuu eedo ka ilaali

Islaam soocan baan nahaye

Eeboow alahayoow

Adiguna na taageer ilaahoow

 

(2)

Ololaysanoo Orodnay

Onkod noo baxyoo maqalay

Ilays noo ifyoo yaacnayeey

Abaartii hadhoo Raynayeey

Durba aynigeen gaadhnayeey

Asaageen badhbaan dhaafnayeey

Alahayoow

Dhulkayaga abuurkiisa

In ilqaado ka ilaali

Allahayoow

Dhulkayaga amaankiisa

Nimuu eedo ka ilaali

Islaam soocan baan nahaye

Eeboow alahayoow

Adiguna na taageer ilaahoow

(3)

awoodayadaan Garanay

Imtixaan hadaan ka baxnay

Ikhtiyaarkayaan soconay

Aduunkii haduu na bartay

Soomali amaan ka helay

aqoon loogu soo aadayaa

Alahayoow

Dhulkayaga abuurkiisa

In ilqaado ka ilaali

Allahayoow

Dhulkayaga amaankiisa

Nimuu eedo ka ilaali

Islaam soocan baan nahaye

Eeboow alahayoow

Adiguna na taageer ilaahoow

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.