Home Afsomali VIDEO Wasaarada Waxbarashada oo 31500 arday ka qaadeysa imtixaanka shahaadiga ah ee...

VIDEO Wasaarada Waxbarashada oo 31500 arday ka qaadeysa imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka ayaa maanta si rasmi ah u Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, kaasi oo ka bilowday  Muqdisho iyo Dowlad Goboleedyada.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Qadar) raiisul wasaare kuxigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay dahfurka imtixaanka,wuxuuna dhiirogeliyay ardayda u fariisanaysa guud ahaan imtixaanka Shahaadiga ah.

Imitaanka Shahaadiga ah waxaa u fariisanaysa arday gaaraysa 31,500 Kun iyo shanboqol oo Arday,sida uu sheegay wasiiru dowlaha wasaaradda Waxbarashada XUkuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Maxamuud Maxamed (Jaabir).

Amaanka goobaha imtixaankaasi lagu qabanayo ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada dalka ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo loo xirsaaray ciidamo boolis ah,si ay ula socdaan habsami u socodka imtixaankani shahaadiga ah.

Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane C/raxmaan Maxamuud Maxamed(Jaabir) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu u dhacayo imtixaankaasi,wuxuuna xusay in aan la ogolaan doonin arday mobile isticmaalaya,isagoona fariin u diray ardayda,waalidiinta iyo laamaha ammaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay maamulka imtixaanka guud ee dalka,muddo ku dhow 30 sano kadib tan iyo burburkii,iyadoona dadaal xoogan ugu jirta horumatrinta adeegyada waxbarasho ee guud ahaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.