Home Afsomali Madaxweyne waare iyo Jowhar Maxaa ka cusub

Madaxweyne waare iyo Jowhar Maxaa ka cusub

Magaalada jowhar ee waa caasimada dowlad goboledka hirshabelle 90 km ayay dhanka waqooyi ka xigtaa magaalada muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya ,

Magaalada Jowhar ayaa waxa ay caan ku tahay dhaqashada xoolaha iyo wax soo saarka dalaga kala duwan ee beeraha iyadoo magalada jowhar ay kuu taalo warshadii hore ee sokorta soo saari jirtay ee isnaay biyaasa , hadana waxaa ganacsato soomaaliyeed ay ku beerteen bariis tijaabo ah

Magaalada Jowhar ayaa hada waxaa ka curtay xilli roobaadka gu,ga waxaana magaalada iyo degaanada hoostaga  ka da’aya roobab mahiigaan ah isla markaana ay kuqabowsadeen dad iyo duunyo.

Dadka ku dhaqan magalada jowhar ee caasimada hirshabelle ayaa noloshooda wax ay ku tiirsan tahay dhaqashada xoolaha iyo beeraha

Marka loo eego amniga magalada jowhar ayaa la dhihi karaa waxa uu ka sareeyaa magaaloyinka kale ee dalka gaar ahaan magaaloyinka maamul goboledyada dalka ka jira oo ay hormuud u tahay jowhar dhanka amniga bilicda magalada ee dhanka nadaafada iyo isku xernaanta bulshada.

Horumarada marka la hadlaayo jowhar waxaa lagu tijaabiyay dalag beereedka bariiska iyadoo qaar ka mid ah beeralayda reer jowhar ay dhul beereedkooda ku beeraan wax soo saarka bariiska oo magalada ay caan ku tahay.

ugu danbeyntii arday careysan ayaa waxaa hadalo dabacsan ku dajiyey madaxweynaha maamulka hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare wuxuuna u balanqaaday in masuuliyada intixaanada wixii hatan ka danbeeya uu qaadi doono maamuilkiisa

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.