Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo oo Dr. Nuur Diiriye (Fuursade) u magacaabay Agaasimaha Guud ee...

Madaxweyne Farmaajo oo Dr. Nuur Diiriye (Fuursade) u magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS

 

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir; 
Cabdirisaaq Jaamac Cilmi 
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 

Hoos ka akhriso Agaasimayaashii uu Farmaajo u magacaabay Madaxtooyada.

1- Dr Cali Saciid Fiqi ayaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada loo magacaabay markii uu Madaxweyne Farmaajo la wareegay Villa Somalia.

2- Abuukar Cabdi Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada loo magacaabay 22- March 2017.

3- Fahad Yaasiin Xaaji Dahir waxaa xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada loo magacaabay 31 May 2017.

4- Drs Aamina Saciid Cali oo Agaasime Kuxigeen aheyd ayaa u dalacday xilka Agaadimaha Guud ee Madaxtooyada 22 August 2018, 9 bil kaliya ayay heysay xilka.

5- Dr Nuur Diiriye Fursade oo Madaxweynaha saaxib dhow yihiin, xidid hoosena ka yihiin dhanka Xaasaska ayaa loo magacaabay xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada 15 May 2019.

 

Madaxweyne Farmaajo wuxuu madaxweyne yahay 27 bilood iyo bar, wuxuuna Madaxtooyadiisa u magacaabay magacaabay 5 Agaasime taas oo u dhiganta in midkiiba xilka hayey 5 bilood iyo bar.

Maxaa laga fili karaa Madaxtooyo 5tii biloodba mas’uul cusub la wareegayo maamulkeeda?

FAAFIN DEGDEG
15ka May, 2019

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan maanta u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Intii uu kamidka ahaa La-taliyeyaashayda, wuxuu Dr. Fuursade muujiyay inuu yahay shakhsi hufan oo daacadnimo iyo hawlkarnimo ay u dheertahay, waxaana Alle uga baryayaa inuu xilkan culus u fududeeyo.”

Madaxweynahu waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Marwo Drs. Aamin Saciid Cali oo uu ku tilmaamay in ay ahayd qof waqti badan galisay u adeegidda dalka iyo dadka.

DHAMMAAD

TAARIIKH NOLOLEEDKA DR. NUUR DIIRIYE XIRSI (FUURSADE) OO KOOBAN:

Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) Wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan sanadkii 1952-dii.
Waxbarashada Dugsiga Hoose iyo barasha Qur’aanka wuxuu ku qaatay isla Beledweyn.
Waxbarashada Dhexe iyo Sare wuxuu ku qaatay Dugsiyada Bartamaha iyo Raage Ugaas ee magaalada Muqdisho.
Shahaadada Koowaad ee Jaamacadda wuxuu ka qaatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed isagaa kamid aha dufcaddii ugu horreysay ee Kulliyadda Injineeriyada.
Shahaadada labaad (Masters) iyo Phd wuxuu ka qaatay Jaamacadda Misouri (USA) sanadihii 1983 ilaa 1987 sida ay u kala horreeyaan.
Wuxuu taniyo 1978-dii Bare-kaaliye, Bare, Bare Sare iyo Professor ka noqday jaamacado iyo Macaahid kala duwan oo ay kamid yihiin Jaamacadda Ummadda (Soomaaliya), Jaamacadda Missouri (USA), Jaamacadda UAE ee Al Ceyn (Isu-tagga Imaaraadka Carabta) iyo Koleejka Seneca (Canada).
Wuxuu intii u dhaxaysay 1987-2017 talo-bixin iyo tababarro ku saabsan culuumta kumbiyuutarka, Dad dhigista (Data-base) iyo barnaamijyada la xiriira teknoolajiyadda siiyay shirkado gaar loo leeyahay iyo Jaamacado ku yaalla dalalka Mareykanka, Canada, UAE iyo Soomaaliya.
Sanadkii 2017 ilaa iyo hadda wuxuu qeyb ka ahaa Maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo loo magacaabay La-taliyaha dhanka Istiraatiijiyadda.
Waxyaabihii uu ka shaqeeyay waxaa kamid ahaa Mashruuca Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha oo ay gacan ka geysanayaan Dowladda Baakistaan iyo Bankiga Adduunka kaas oo ay haatan dhammeystirkiisa ka shaqeynayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka May, 2019 waxa uu u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda FederaalkaSoomaaliya.

 

BE2I0847

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.