Marwada Koowaad ee dalka Saynab Cabdi Macalim ayaa Safar shaqo ku timid dalka Turkiga, Kadib Martiqaad Rasmiya oo ay ka heshay dhigeedda dalka Turkiga Emine Erdogan, Waxaana kulan gaar ah oo ay ku wada yeesheen magaalada Ankara looga hadlay Xidhiidhka soo Jireenka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sidii loo Xoojin lahaa.
Waxaana Kulanka si gaar ah looga hadlay Arimaha Caafimaadka , Hooyadda iyo Dhalaanka , Sidii loo Horumarin lahaa Tacliinta Haweenka, Arimaha Nabadda iyo Horumarinta .
Dhinaca kale Marwada Koobaad ee Qaranka Saynab Cabdi Macalim ayaa Lagu Casuumay Munaasibadda “
Marwada Koowaad ee Soomaaliya Saynab Cabdi Macalim oo khudbad ka jeedisay Munaasibadda Maalinta Afrika, ayaa ka hadashay Taariikhda Soomaaliya iyo Siday Hormuud ugu ahayd Qaaradda Afrika Iyo muuhiimada uu leeyahay Xidhiidhka Turkiga iyo dalalka Afrika.
Marwo Saynab waxay ka hadashay Xidhiidhka Walaalnimo ee Turkiga iyo Soomaaliya, iyo Sidii uu Shacabka Soomaaliyeed Turkigu u garab istaagay Wakhtigii Adkaa, Waxayna sheegtay inuu yahay Saaxiibka dhabata ah, Kadib Markii Madaxwaynaha turkiga oo Xiligaasi Raysal wasaare ahaa iyo Marwadiisu ay yimaadeen Soomaaliya Sanadii 2011-kii Taasi oo Indhaha Caalamka kusoo jeedisay.
Waxayna uga mahad celisay Madaxwayne Rajeb Dayib Erdogan iyo Marwadiisa Hiilka dhabta ah ee ay Soomaaliya u muujiyeen, Iyagoo Soomaaliya ka hergeliyey Mashaariic kala duwan Sida dhismaha Wadooyinka, Guryaha , Cisbitaalo, Dugsiyo waxbarasho Iyadoo Sidoo kale Turkigu uu Tababar Siiyo Ciidamada Soomaaliya.
Marwada Koowaad ee Qaranka Saynab Cabdi Macalim Waxay sidoo kale Khudbadeeda ku xustay Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Airline oo Duulimaadyo Toos ah ka Bilowday dalka, Kuna xidhay Caalamka intiisa kale, Iyadoo Hada Shirkado badan oo Caalami ah ay door bidayaan inay Soomaaliya duulimaadyo ku tagaan.
Munaasibadan Maalinta AFRIKA oo ay Qabateen Marwadda dalka Turkiga Emine Erdogan iyo Wasaaradda Arimaha debedda Qaybteeda Afrika , Waxaa Qayb galay Safiirka Soomaaliya Turkiga jaamac Cabdullaahi Caydiid , Safiiradda dalal ay kamid yihiin Liibiya, Kongo, Nijar , Madaxwaynaha Ha’adda TIKA , Marwooyinka Safiiirada Afirka ee ku sugan dalka Turkiga, Ardayda Afrika ee wax ka barta Turkiga, oo ay Qayb ka yihiin Arday Soomaaliyeed oo deeq Wax barasho ka helay Dawladda Turkiga.