Waxaa goordhaw qarax Miino oo qasaaro kala duwan dhaliyay uu ka dhacay Isgooska Ex-Contarool Afgooye ee magaalada Muqdisho gaar ahaan Goob maqaayad ah ay dad badan fadhiyeen.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Maqaayad kutaala Ex-Control Afgooye in Qarax miino lagu aasay laguna qarxiyay, waxaana Maqaayada inta badan tagi jiray dad shacab ah iyo Ciidamo katirsan Dowlada.
Inta la xaqiijiyay Qaraxa Miino ee lagu qarxiyay Maqaayada waxaa ku dhintay lix qof oo isugu jira Shacab iyo ciidan, waxaa sidoo kale qaraxaasi ku dhaawacmay tiro kale kuwaa oo loola cararay xarumaha caafimaadka.
Taliyaha booliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay in qaraxa Miino ee lagu qarxiyay maqaayada kutaala Ex-Contarool Afgooye ay ka dambeeyeen Al Shabaab, waxa uuna tilmaamay dadka qaraxaasi wax ku noqday in ay shacab ahaayeen.
Qaraxan goordhaw ka dhacay magaalada Muqdidsho ayaa imaanaya xili saakay qarax kale oo ismiidaamin ah uu ka dhacay Maqaayada The Village oo kutaala dhismaha Guriga Hooyooyinka ee kasoo horjeeda Tiyaatarka Qaranka.
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0