Home Afsomali Dhageyso:-Ciidanka Xooga Oo Gacanta Ku Dhigay Sarkaal Ka Tirsanaa Al-Shabaab

Dhageyso:-Ciidanka Xooga Oo Gacanta Ku Dhigay Sarkaal Ka Tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya ayaa howlgal waxaa ay ka sameeyeen duleedka deegaanka Baar-sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose,iyagoo gacanta ku dhigay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab.

Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in Sarkaal lasoo qabtay Al-shabaab uu kamid ahaa muddo  10-sanno ah,isla markaana u qaabilsanaa dhanka sahminta weerarada,kaasi oo magaciisa ku sheegay Ibraahim Lujindo Maxamed.

Taliska guutada 11-aad qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Maxamed Badal Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ninkaas ay qabteen xogtiisa ay horey u hayeen,sidaasina lagu qabtya,waxaana uu xusay inay gacanta ay ku dhigeen Ciidanka xoogga ee ka howlgala Aaga Baar-sanguuni.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa tilmaamay in Ibraahin makuundha uu ka soo qeyb qaatay dagaal horey uga dhacay Gobolka Gedo oo uu kamid ahaa deegaankii dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidanka Kenya ee dhacay deegaanka Ceel-Cade ee Gobolkaas.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland mararka qaarkood waxaa ay howlgalo ka dhan Al-shabaab ka sameeyaan deegano dhowr ah oo ka tirsan Jubbooyinka.

Hoos ka Dhageyso Codka Taliye Maxamed Badal Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.