Home Afsomali Kuraastii la diiday oo sii korortay iyo Gudiga Xalinta Khilaafaadka oo ku...

Kuraastii la diiday oo sii korortay iyo Gudiga Xalinta Khilaafaadka oo ku adkaystay laalistii 11ka kursi

 

Warmurtiyeed ka soo baxay xafiiska wakiilka qaramada midoobay ee Somalia Mickeal Keating ayaa looga  hadlay kulan dhexmaray isaga iyo gudiga xalinta khilaafaadka.

Mr Miheal Keating wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in gudoomiyaha gudiga xalinta khilaafaadka uu kala hadalay sadax Qod oo isagu u arkay muhiim

1)Arimaha amniga gudiga xalinta khilaafaadka

2)Mushaarka gudiga iyo

3)Sababta kuraasta la laalay looga reebay 13 kursi oo horay beesha caalamku walaac uga muujisay.

 

Wakiilku wuxuu sheegay in kuraasta la laalay laga reebay 13 kursi oo qaarkood horay beesha caalamku walaac ugu muujisay.

Beesha caalamku waxay filaysay in kuraastan lagu daro kuraasta dib loogu celinayo doorashada maadaamo doorashadoodii hore cabasho katimid.

Wakiilku wuxuu gudiga ugu baaqay inay cadeeyaan sababta 13kaas kursi uga reebeen kuraasta la laalay iyo hadii la xaliyay qaabka loo xaliyay.

Hoos ka daawo warsaxaafadeedkii kasoo baxay Micheal Keating

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.