Home Afsomali Sacuudiga Somalida sharciga heysan laba bil gudohood dalka ha uga baxdo

Sacuudiga Somalida sharciga heysan laba bil gudohood dalka ha uga baxdo

Dowladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa muddo laba bilood ah u qabatay Soomaalida sharci darrada ku joogta dalkas in ay isaga baxaan.

Siihayaha safaaradda Soomaaliya ee Sucuudiga Saalim Macow Xaaji, ayaa sheegay in dadaal ay bixisay Safaaradda lagu guuleystay in muddo laba bil gudahood ah ay dadka Soomaalida ah uga baxaan dalkaas.

Dadka Soomaalida ee sharci darrada ku jooga Sucuudiga ayaa u kala qeybsama saddex nooc,kuwaas oo kala ah kuwo ay ka dhaceen Sharciga degganaanshaha ee Iqaamada oo aan dib u cusbooneysiisan, dadka Tahriibka ku galay iyo kuwa Xajka iyo Cumrada u tagay ee aan dib u laaban.

Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in laga billaabo 16ka Bishan June ay dadkaas fududeysan karaan in ay dib ugu laabtaan dalkooda wax caqabad ahna aysan la kulmi doonin muddad labada bilood ah.

Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Riyaadh Saalim Macow Xaaji ayaa shacabka Soomaaliyeed ee sharci darrada ku jooga Sucuudiga ugu baaqay in ay tagaan xarumaha safaaradda iyo Qunsuliyadda si halkaas looga fududeeyo waraaqaha dib u laabashadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.