Home Afsomali Dhageyso:-Maamulka Koonfur Galbeed oo Galmudug ka dalbaday Jawaab Deg Deg ah

Dhageyso:-Maamulka Koonfur Galbeed oo Galmudug ka dalbaday Jawaab Deg Deg ah

Laba habeen ka hor waxaa deegaanka Dhiin Waris oo 18 dhanka Bari ka xiga Magalada Dhuusamareeb lagu dilay 4 Ruux oo ka Shaqeynayay Goob lagu xanaaneyo Shinida  ,isla markaana Malabka looga dhaliyo,kuwaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Hayeeshee dhacdadaas ayaa waxaa si kulul uga hadlay maamulka Koonfur Galbeed,iyaga oo sheegay inay aad uga xun yihiin falkaas,waxaana ay baaris deg deg ah ka dalbadeen Madaxda Maamulka Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda  Warfaafinta Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed (Ugaas Xasan) ayaa ugu baaqay in Madaxda Maamulka Galmudug ay baaris dhab ah ku sameeyeen dadkii ka dambeeyay dilka Afarta Ruux ee Shacabka ah.

Waxa uu sheegay inay aaminsan yihiin inaysan raali ka aheyn Madaxda Galmudug wixii ka dhacay duleedka Magalada Dhuusamareeb,hayeeshee ay ka sugayaan inay jawaab deg deg ah kasoo siiyaan dilkaas loo geysta dadka Shacabka ah ee kasoo jeeda deegaanada Koonfur Glbeed.

Dhinaca kale Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa sheegay in ka Galmudug ahaan ay aad uga xun yihiin dilka dadka rayidka ah loo geystay,isla markaana ay wadaan baaritaano ku aadan dadkii ka dambeeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.