Home Afsomali Somaliland dowlada Somalia ayaa ka danbeysay in sacuudigu nagu xiro in aan...

Somaliland dowlada Somalia ayaa ka danbeysay in sacuudigu nagu xiro in aan Muqdisho Warqad ka doonayo waana joojin doonaa in aan xoolo u dhoofino sanadkaan sacuudiga

Maamulka Somaliland ayaa Dowladda Sucuudi Carabiya ugu hanjabay in xoolaha laga dhoofiyo Dekadda Magaalada Berbera aysan mowsimka Xajka ee sanadkan u diri doonin Sucuudiga.

Go’aanka ayey Somaliland sheegtay in uu ka dhashay warqad ay Dowladda Sucuudiga u dirtay Somaliland uguna sheegtay in warqadda caafimaadka Xoolaha sanadkan ee Xajka ay bixineyso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Xannaada Xoolaha Somaliland ayaa sheegay in wali warqad ay dowladda Federaalka ah dirtay aan xoolo looga dhoofin Somaliland hadda kaddibna aysan dhaceyn.

Waxaa uu intaas ku daray in haddii dowladda Sucuudiga ay ku adkeysato go’aankeeda ay Somaliland heysan doonto xoolaha laga dhoofiyo Dekadda Magaalada Berbera.

Xoolaha Mowsimka Xajka laga dhoofiyo Dekadda Berbera ayaa laga keenaa guud ahaan Dhulka Soomaalida,waxaana laga wada dhoofiyaa Dekadda Berbera.

La oga sida ay dowladda Sucuudiga uga warcelin doonto hadalka Somaliland iyada oo dhinaca kalena Dowladda Federaalka ah ee SOomaaliya aysan ka hadlin go’aanka Sucuudiga iyo midka Somalilaland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.