Maxkamadda Caddaaladda Aduunka ee ICJ ayaa soo saartay jadwalka maalmaha la dhegaysanayo kiiska Badda ee udhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Dhagaysiga kiiska ayaa bilaabanaya Maalin isniin ah 9 September, 2019 subaxdii 10:30AM, waxaana dhagaysiga Kiiskani uu soconyaa illaa 13 September, 2019.
Kiiskaan ayaa noqonaya mid aad u xaasaasi ah maadaama labada dalba ay isugu diyaariyeen, waxaana dal walba uu doonayaa in uu assagu ku adkaado kiiskani.
Dawladda Kenya ayaa dhaqaalo badan ku bixisay Kiiskaan si ay ayadu ugu guulaysato,
waxayna Malaayiin doolar siisay Qaraeeno iyo Sharci yaqaano Caalami ah.
Dawladda Soomaaliya ayaa iyaduna ahmiyad weyn siinaysa Kiiskani maadaama meesha la isku haysto ay tahay meel ay Soomaaliya leedahay, waxay sidoo kale Dawladda Federaalka ah ay marar badan diiday iskuday Kenya ay ku doomsday in Kiiskani dib looga soo celiyo Maxkamadda Aduunka, waxaana udanbeeyay cadaadiska ay Kenya saartay hadda Soomaaliya si ay ugu qasabto in Kiiskaa Maxkamadda Aduunka laga soo celiyo