Ugu yaraan 40 ruux ayaa lagu dilay duqayn dhanka cirka ah oo ku habsatay meel lagu xiro dadka soo galootiga ah oo Liibiya ku taalla, sida ay saraakiil sheegeen.
Siddeetan ruux oo kale ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen weerarkaas oo ka dhacay xarun ku taalla bariga Tajoura oo ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Tripoli.
Waxaa la sheegay in dadka dhintay badankood ay Afrikaan yihiin.
Sannadihii dhawaa Liibiya ayaa xudun u noqotay dadka tahriibaya ee doonaya in ay gaaraan Yurub.
Dalka Liibiya waxaa ragaadiyay rabshado iyo kala qaybsanaan tan iyo markii xilka laga tuuray hoggaamiyihii muddada dheeraa Mucamar Qaddaafi sannadkii 2011.
Cusmaan Cali oo ah afhayeenka shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in 120 soo galooti ah ay gaajaysnaayeen marka ay duqayntu haleeshay.
Wuxuu intaas ku daray nin laga yaabo in geeridu ay intan ka badato “maadaama oo tirada la shaaciyay aysan kama dambays ahayn”.
Dawladda ay Qaramada Midoobay taageersan tahay ee uu hoggaamiyo Ra’iisulwasaare Fayez al-Serra, ayaa weerarkaas oo Arbacadii dhacay ku eedaysay ciidammada isku sheega Milatariga Qaranka Liibiya
Ciidammadaas waxaa hoggaamiya ninka awoodda badan ee Khaliifa Haftar oo aagga uu weerarku ka dhacay kula dagaalamaya ciidammada dawladda caalamku aqoonsan yahay.
Isniintii ayay ku dhawaaqeen in ay weerarro culus oo dhanka cirka ah qaadi doonaan iyaga oo bartilmaameedsan doona bartilmaameedyo Tripoli ku yaalla ka dib markii la soo afmeeray noocyadii “la yaqaannay” ee dagaalka.
Balse afhayeen u hadlay ciidammada janaraal Khaliifa Xaftaar ayaa diiday in ciidammadoodu ay duqeeyeen xarunta lagu hayo dadka soo galootiga ah.