Home Afsomali Alshabaab oo u magacaawday gudoomiye cusub gobolka banaadir

Alshabaab oo u magacaawday gudoomiye cusub gobolka banaadir

Al-Shabaab ayaa guddoomiye cusub ay u magacawday gobolka Banaadir, wuxuuna  u qeybsanaan doono howlgallada ay ka fuliyaan gudaha magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha cusub ayaa loo magacaabay Daahir Macalin Salaad,

Ninkan ayaa horay uga tirsanaa sirdoonka Xoogaga Al-Shabaab, sida aan xogta ku helnay.

Daahir Macalin Salaad ayaa bedalaya Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) oo Al-Shabaab ugu magcawnaa magaalada Muqdisho.

Cali Jabal oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab ayaa duqeyn dhinaca cirka ah lagu dilay sanadkii 2017-kii.

Magacaabistan ayaa ku soo aadeysa, xilli haatan Al-Shabaab aysan awood muuqata ku laheyn Muqdisho, balse ay ka fuliyaan qaraxyo iyo weeraro toos ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa 2011-kii gabi ahaan Al-Shabaab ka saaray fashiisinadii ay muqdiaho Ku lahaayeen, kadib daaallo dhex maray labada dhinac waxay dagaalkii u badaleen weeraro Ku dhufo oo ma dhaqaaq ah kuwaa oo aan cidne loogu aaba yeeleyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.