https://youtu.be/9X6kpFdbzfs
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay saddexda Nin oo loo heystay weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho.
Saddexda Nin ee saaka Maxkamadda xukunta dilka ah ku fulisay ayaa kala ah; Farxaan Maxamed Samatar,C/naasir Dhaqane&Abshir Maxamed Xaaji.
Raggan ayaa lagu eedeeyay in ay fuliyeen weerarkii Hotel Naasahablood laba lagu qaaday 28kii October 2017kii, xilligaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 qof.
Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada iyo midda sare ee Ciidamada ayaa waxaa ay dil horay ugu xukumeen Ragga saaka la toogtay ee lagu helay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa xukukan fulisay muddo dheer kaddib iyada oo dhowr jeer dhaleeceyn kala kulantay Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee diiddan fulinta xukunnada dilka ah.
Hadaba halkan ka akhriso: Habka uu u dhacay dilkaasi toogashada ah iyo go’aanka maxakamadda.
Taariikhdu Markay ahayd 22/05/2018, waxay Maxkamada Da’1aad Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:-
1- Farxaan Maxamed Samatar ina Safiyo Max’ed ku dhashay Galgaduud.
2- C/naasir Dhaqane Xasan ina Xabiibo Max’ud ku dhashay Gedo
3- Abshir Max’ed Xaaji Buule ina Xabiibo Max’ed ku dhashay Saakow, kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeyay Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyo in Ay ka mid ahaayeen koox weerar argagaxiso ku qaaday hotel naasa hablood labo taariikhdu markay ahayd 28/10/2017 weerarkaas oo sababay khasaaro naf iyo maal leh waxaa ku geeriyooday weerarka inta la hubiyay 18 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 47 ruux oo kale.
Taariikhdu ahayd 30/05/2018 waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Naasa-hablood labo Taariikhdu markay ahayd 28/10/2017.
Maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/07/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa.
Waxay noqoneysaa toogashii 5sad ee ay fuliso
Dowlada madaxweyne faramaajo