Home Afsomali Sanator iyo masuuliyiin ku dhimatay weerarkii lagu qaaday hotel kismaayo ku yaal

Sanator iyo masuuliyiin ku dhimatay weerarkii lagu qaaday hotel kismaayo ku yaal

 

Weerar ku bilowday Ismiidaamin ayaa lagu qaaday Hotelka Cas Caseey ee kuyaala magaalada Kismaayo, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro badan isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dabley hubeesan ayaa lagu soo waramayaa in weli ka dhax degaalamayaan dhismaha Hotelka la weeraray, waxaana Hotelka gaaray ciidamada maamulka Jubbaland oo isku dayay in ay weerarka soo afjaraan

Wararka kale ee halkaasi naga soo gaaraya ayaa sheegaya inay weli ciidamadii hubeysnaa ku jiraan gudaha Hotel Cascasey oo ay gelinkii dambe ee Maanta ku galeen weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah.

Sida ay somalisan.com u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland, waxaana socdo dadaalo xooggan oo lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ku jiro Hotelka.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in dadka ku dhintay weerarka lagu qaaday Hotelka Cas Caseey ee magaalada Kismaayo uu ku jiro musharax shuuriye

Weerarka Hotelka lagu qaaday ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen dad kale oo masuuliyiin ay ku jiraan , waxaana Hotelka la sheegay in ay degnaayeen Musaharaxiin, Masuuliyin iyo dad kale oo Qurbo joog ah.

Ciidamada amaanka ayaa isku dayaya in ay soo afjaraan weerarka lagu qaaday Hotelka Cas Caseey, waxaana mararka qaar la maqlayaa bambaanooyin iyo hub kale ay adeegsanayaan dableyda iyo ciidamada Jubbaland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.