Waxaa isisoo taraya khasaaraha weerarkii qaraxa ku bilaaday oo Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotel lagu magacaabo Madiina horayna loo oran jiray Cascasey, kaas oo ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo ee xunta Gobolka Jubbada Hoose.
Laama amaanka Jubbaland oo in kabadan 12-saacadood la tacaalayay kooxdii weerarka soo qaaday ayaa goor dhoweed soo ban dhigay meydadka Afar ruux oo la rumeysanyahay in ay yihiin dagaalamaashii weerarka fuliyey.
Weerarka oo tan iyo xalay ka socday gudaha Hotelka ayaa lasoo afjaray waaberigii hore ee saakay, waxaana adag in warbaahintu ay gudaha u gasho Hotelka.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shaaciyey khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkii shalay gelinkii dambe Al-Shabaab ay ku qaadeen hotelka Midiina Ex Cascasey oo ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Axmed Madoobe ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dhinteen illaa 26 Qof, kuna dhaawacmeen 56 kale.
Dadka dhintay wuxuu tilmaamay inay ku jiraan dad Ajanabi ah oo u kala dhashay dalalka : Kenyan 3 qof, Canadian 1 qof, British 1 qof., American 2 qof, Tanzanian 3 qof iyo China 2 Qof oo dhaawac ah
Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa intaasi ku daray in ragga weerarka soo qaaday ay gaarayeen afar, islamarkaana labo ka mid ahaa la toogtay, halka mid nolosha lagu qabtay, midna uu is qarxiyey.
Maxamed Cumar Geedi oo kamid ah Musharixiinta maamulka Jubbaland oo isagu ku sugnaay Hotelka xiligii lasoo weeraray kana badbaaday ayaa Radio Kulmiye u sheegay in dhimashadu ay kor u dhaafeyso 30 ruux halka dhaawacana uu ka badanyahay 50 kale.
“waxaan daganaay Hotelka markii uu irida hore ka dhacay qaraxu waxaan isku dayey in aan ka baxo qeybaha dambe ee Hotelka, wey ii suurta galiweysay toogasho toos ah ayaa bilaabatay qolkeyga ayaan soo irtay iyagoo dadka tooganaya qeybaha kore ee Hotelka ayey u gudbeen Ciidamada ayey kor ka tooganayeen, 40-daqiiqo ka dib ayey Ciidamadu iga soo badbaadiyeen”, ayuu yiri Maxamed Cumar Geedi.
G/sare Cabdinuur Jaamac Jookar oo isaguna kamid ah dadka ka badbaaday weerarkaas ayaa sheegay in dadka dhaawacyada ah ay ku jiraan dad gaaraya 45 ruux oo dhaawacyadoodu aad u daranyihiin.
Weriyaal, Siyaasiyiin, Ajaanib iyo dad shacab ahaay ayaa ku dhintay weerarkaas, waxaana la sheegay in Hotelka ay ka socdeen xaflado kala duwan.
Hodan Naalaaye oo aheyd gabar si weyn looga yaqaanay baraha ay Bulshadu ku xariirto iyo Seygeedii Wasiirkii hore ee Ganacsiga jubbaland Fariid Jaamac ayaa ka mid ahaay dadka ku dhintay weerarkaas.
Ugu dambeyn waxa uu ku amaanay ciidamada ammaanka, sida ay uga jawaabeen weerarkaasi, ugana hortageen.