Qof soo xirtay Jaakad miineysan ayaa ku dhax qarxay Xarunta dowlada hoose ee xamar isla makraana ah xarunta Maamulka Gobolka banaadir
Gudoomiyaha Gobolka banadir Enjiner Yariisow ayaa ka mid ah noqday dadkii ku dhaaweacmat qarax ismiidaaminta ah ee ka dhacay
xarunta aqalka Dowladda Hoose ee xamar xili uu shir uga socday laamaha amiga iyo gudoomiyayaasha dagmooyinka Gobolka Banadir
masuuliyiinta dhaawacyadu soo gaareen ayaa waxaa la soo warinayaa in ay ka mid yihiin Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yariisow Taliyaha Ciidanka Bashiir Ameriko qaar ka mid ah gudoomiyaasha
halka Gudoomiyayaashada dhintay ay ka mid yihiin gudoomiyashii dagmooyinka waaberi cabdicasiis wardhiigley iyo Cabdifataax Cumar Xalane oo mar soo noqday afhayeenka Gobolka banaadir
waxaa dhici karta in ay jirto masuuliyiin ku dhintay balse warkaa lamaxaqiijin ilaa hada
La soco faah faahinta