Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Kenya, Moses Wetangula, oo ahaa kii bilaabay in muran la geliyo qayb kamid ah badda Soomaaliya, oo February 18, 2019 waraysi siiyey TVga KTN ayaa muujiyey in Kenya looga guulaysanayo dacwadda badda ee jawaabteeda looga fadhiyo maxkamadda adduunka.
Isagoo ka hadlayey sidii Soomaaliya dacwadda u gudbisey, waxa uu muujiyey in Soomaaliya ay mar dambe caqlisatay oo lagula taliyey in ay dacwad gasho, laakiin Kenya waa in ay ku dadaasho in ay arrintaas soo dhexgalaan Afrikaanku ayuu yiri.
Dhegeyso waraysiga: