
Sida la wada og yahay qaraxaas waxaa ku dhaawacmay Gudoomiyaha Gobalka Eng.Yariisow oo waxyeelo xoog badan kasoo gaaray.
Haddaba madaxda sare ee dalka ayaa ku loolamaya cidda xilkaas qaban laheyd ayagoo qof walbo uu wato shaqsi isaga u dhow kana heli karo danahiisa gaarka ah maadaama Gobalka dhaqaale xoog badan uu yaalo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa wato saaxiibkiisa Cabdi Jiinow Calasow oo la rumeysan yahay in wax badan ay ka dhaxeeyaan, Sidoo kale fahad yasin ayaa isna wato Sh.Cumar oo horey usoo noqday gudoomiyaha degmada wadajir, sh.cumar xaaskiisa waxey saaxiibo dhow yihiin xaaska Fahad Yasin oo markii horeba door weyn ku laheyd gudoomiyanimada Sh.Cumar ee degmada wadajir loogu dhiibay.
Sh.cumar qaanso Waa shaqsiga ugu liita ee soo Mari doono xilka gobalka Haddii fahad yasin uu ku guuleysto In uu ka dhigo gudoomiyaha gobalka maadaama fahad awood badan uu ku leeyahay lama rumeysan yahay qofka kaliya ee farmaajo aragtidiisa wax ka bedeli karo.
Dhinaca kale Raiisul wasaare kheyre ayaa isna wato Cali Gacal, waxaana Raiisul wasaaraha u keenay xildhibaan abdikadir arabow, xildhibaan abti doon iyo mustafa dhuxulow ayagoo Raiisul wasaaraha kula heshiiyay In gobalkan gacanta loo gelin doono.dadka deegaan xamar &odayaasha &siyaasin badan dhamaan somali degan Xamar ayaa Ku tamaya in loo dhiibo qof karti &aqoon Sumcadna ku leh bulshada Xamar xataa hadow tiimka N&N banaanka kayahay lakiin aan ka. War dhowrno madaxda sare Dalka
Haddaba gobalka banaadir ma sidan ayaa xal looga dhigi doonaa.
Gobalka banaadir iyo loolanka madaxda sare wuxuu gudcur gelin doonaa shacabka gaarayo seddexda milyan ee ku nool caasimadda.
Gobalka banaadir wuxuu u baahan yahay qof karti leh, wax badanna isku xalin karo. Dhanka kale Waxaa magaalada leysla dhexmarayaa. Hadal haynta ama filashada in loo magacaabo mr ali. Sheikh Mahamuud Oo dad badan Oo jecel gobolka wax qabad dhab ah & in amaan hufan in loo hello ayaa madaxda qaranka kula taliyeen. in maanta lajoogo xiligii Loo dam qan lahaa gobolka Banaadir Saas darteed waa in loo dhiibaa. Ali sheikh Mahamud Wallow. Aan la hubin in oow yeelaayo xiligaan Waxii ku soo kordho waa idiinla socodsiineynaa