Home Afsomali Gudiga Ictiraaf raadinta iyo wasiiro ka tirsan maamulka Somaliland ayaa ka soo...

Gudiga Ictiraaf raadinta iyo wasiiro ka tirsan maamulka Somaliland ayaa ka soo dhexmuuqday hotel Muqdisho ku yaal

.

Wafdigaan oo iskuugu jira gudiga ictiraafraadinta reer Somaliland iyo dhowr wasiir ayaa la xaqiijiyey in ay booqasho qarsoodi ah ku joogaan magaalada muqdisho .

Wufuudaan laba geeseedka ay la leeyahay waxay wakiil rasmi ah ka yihiin xukuumada iskeed isku magacaawday ee Somaliland ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed maxamuud ( Siilaanyo ) kuwas oo si KMG ah uu dagay hotel ku yaal magaalada Muqdisho waxaana warkaan laga soo xigtay masuul ka tiran ergada wada hadalka la yeeshey .

Ujeedka ugu weyn ee wafdiga ayaa ah la soodka arimaha doorashooyinka dadbadan sida kuwa ay qeybta u leeyihiin gobolada Somaliland ee  60 ka xildhibaan marka la isku daro labada aqal ee barlamaanka fadaraalka ee cusub

 

Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowlada uu wakhtigeedu dhamaaday ayey wada hadal saacado socday la qaateen ,wuxuuna wafdigu Muqdisho ku sii nagaan doonaan ugu yaraan hal todobaad .

 

Warar hoose oo ay somalisan heshay ayaa sheegaya in wada hadalku meel fiican marayo balse laga digay in hadii khilaaf hareeyo in mudo aan ka badneyn 10 sanadood Somaliland beesha caalamku u ogaani doonto ictirafka ay ku raadinayaan in ay gooni uga go.aan somaliya inteeda kale

Dhanka kale wuxuu kulamo layeeshay siyaasiyiin iyo masuuliyiin ku sugan magaalada Muqdisho kana tirsan dowlada fadaralka Somaliya ee ka soo jeeda gobolada Somaliland waxayna isla garteen in cidi qaadi Karin talaabo aan la isla ogeyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.