Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa la guddoonsiiyay Abaalmarinta Sanadlaha ah ee Hoggaaminta Suubban ee Concardia.
Ayaa halkaa kaga qeybgalay shir uu gudoominayey Madaxweyaha Dalka maraykanka oo ay isku arkeen labada Madaxweyne .
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa abaalmarintan la qeybsaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki kaalintii ay saddexda hoggaamiye ka qaateen nabadaynta iyo is dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.
Dhanka kle Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Estonia Marwo Kersti Kaljulaid iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Ireland iyaga oo ka wada hadlay yagleelidda iskaashi ku dhisan dan-wadaag iyo wax wadaqabsi.
Madaxweynaha oo sidoo kale kulan la qaatay Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika ayaa la wadaagay dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto barnaamijka dayn-cafinta iyo kaalinta uu Bankiga Horumarinta Afrika ka qaadan karo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.
Kulamo kala gooni ah ayaa wafdiga madaxweynuhu siyabo kale duwan ula qaateen madaxda wadamada caalmaka qaarkood ee ka qeybgalaya kulanka 74 aad ee wadamada ku bahoobay qaramada midoobay wasiirka Arimaha dibada ee somaliya Axmed Ciise Cawad oo kulamada ka qeybgalay ayaa sheegay in Somalia ay muhiim u tahay is qaragyada madaxda Caalamka
Muuse