Ururka badbaada haweenka iyo dhalaanka somaliyeed ayaa Munasibad ay ku qalin jabinayeen Qaarka mid ah haweenka bracakayasha ugu qabtay Magaalada Muqdisho.
Munaaibada oo loo qabtay In ka badan 100 haween ah oo soo dhameystay mudo 4 Bilood ah tabarbar xirfadooda sare loogu qaadayey isla markaana shahaadooyin lagu gudoonsiisay ayaa Xaflada qalin jabinta waxaa ka soo qeybgalay madaxda hey.adda SSWC ururada haweenka qaarkood maamulka gobolkani banaadir iyo marti sharaf kale .
Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi waa sama fale ku howlan tababarada taakuleynta iyo horumarinta hooyada iyo dhalaan
waxayna waxbarasho ilaa heer jaamacadeed oo dalka iyo dibadiisa geysay haween danyar oo ku aflaxay waxayna si kooban uga hadlaysa arintaa
Masuuliyiinta iyo macalimiinta ururka ayaa munaasibada ka jeediyey qudbooyin kala duwan
Ugu danbeyntii gudoomiyaha maamulka dowlada ee dagmada hodan ayaa haweenkii tababarka ka faaiideystay u ujeediyey hadalo iskuugu jiray dardaaran iyo baraarujin waxaana ay horey u qaataan qalabkii ay wax ku baranayeen iyo shahaadooyinkii qalin jabinta
boqolkaan haweenka ah ee qalin jabiyey qaatayna shahadooyinkooda ayaa qeyb ka Noqonaya tiro gaareysa 1930 hawen somaliyeed ah oo ay hey.adu siiisay tababaro iyo maalgalin dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay Muuse M Jiiswo
Fowsiya garoob