Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Maamulka Somaliland ayaa si weyn uga soo horjeestay Qorshaha dowladda Imaaraadka Carabta ay ku doonayso in ay saldhig ciidan ugu furato Magaalo Xeebeedka Berbera ee Somaliland.
Siyaasiyiintaasi waxaa ka mid ah Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyadda Maamulka Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi oo dowladda Imaaraadka uga digay in ay faraha lasoo gasho Geeska Afrika.
Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sidoo kale sheegay in aysan habooneyn in Somaliland ay saldhigyo ciidan ka furtaan dowlado shisheeye.
Xukuumada Somaliland ayuu ugu baaqay in ka laabato go’aanka ay dowladda Imaaraadka carabta ugu ogolaatay in ay saldhiga ka furato Somaliland.
Shacabka iyo Sidoo kale Siyaasiyiinta Somaliland ayuu ugu baaqay in ay sameeyeen Banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan Saldhigaasi.
Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta falanqeeya Siyaasada Geeska Afrika ayaa sheegaya in saldhiga Imaaraadka carabta uu Qatar amni ku yahay dalalka Qaarada Afrika.