Home Afsomali Faah faahino dheeri ah oo ka soo baxayso Gudoomiye Degmo oo Goordhaw...

Faah faahino dheeri ah oo ka soo baxayso Gudoomiye Degmo oo Goordhaw Qarax lagu dilay

Wararka ka imaanaya degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay Gudoomiyihii degmadaasi Maxamed Aweys Abuukar .

Dadka deegaanka ayaa si weyn u maqlay qaraxa ka dhacay gudaha Degmada Awdheegle, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in qaraxa ku dhintay Gudoomiyaha degmada sidoo kale waxyeelo soo gaartay dad kale oo la socday.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in qarax miino lagu dilay Gudoomiyihii degmada Awdheegle .

Ciidamada dowlada Soomaaliya gaar ahana kuwa milatariga ayaana howlgal baaritaano kawada Degmada Awdheegle gaar ahaan goobta uu ka dhacay qaraxa lagu dilay Gudoomiyihii Degmadaasi .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.