Home Afsomali Taliyaha Ciidanka bolice ka oo tabarbar ciidan cusub ugu soo xirey dalka...

Taliyaha Ciidanka bolice ka oo tabarbar ciidan cusub ugu soo xirey dalka Djabouti ( DAAWO SAWIRADA )

Taliyaha ciidanka  Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa  ciidamo cusub tababar ugu soo xiray dalka Jabuuti.

Ciidamadaan oo muddo saddex bilood tababar ku qaadanayey dalka Jabuuti ayaa waxaa la filayaa inay maalmaha soo socda soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Tababarka ayaa waxaa bixinayey saraakiil Talyaani ah iyo sidoo kale kuwa Jamhuuriyadda Jabuuti.

Taliye Xijaar oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahadceliyey dowladda Jabuuti, sida ay uga qeyb qaadaneyso dib u dhiska ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ciidamada tababarka loo soo xiray kula dardaarmay inay si daacad ah ugu shaqeeyaan dadkooda iyo dalkooda.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.