Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf ku maamuusay ka qeyb-galeyaashii Shirweynaha Qaran ee...

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf ku maamuusay ka qeyb-galeyaashii Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Qaarkood ( DAAWO SAWIRADA )

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho sharaf ah ku maamuusay dhallinyaro ka socotay dalladaha iyo ururrada heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee ka qeyb galey Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed 2019-ka.

Madaxweynaha ayaa uga xog warramay dhallinyaradeenna qorsheyaasha ku qotoma awoodsiinta siyaasadeed iyo dhaqaale ee dhallinyarada, kuwaas oo Dowladdu ay ku bixineyso horumarinta iyo xoojinta kaalinta ay ku leeyihiin hoggaaminta dalka.

“Waxaan haatan u soconnaa in aan shacabka Soomaaliyeed ee dhallinyarada u badan aan u soocelinno talada dalka, taladaas oo ka bilaabmata doorashada. Dhankooda dhallinyarada Soomaaliyeed waa in ay naftooda kula xisaabtamaan dadaalka ay dalkooda geliyaan iyo gacanta ay ka geystaan horumarka iyo dowladnimada.”

Madaxweynaha ayaa xusay in tallaabooyinka ay qaadday Dowladdu ee adkeynta midnimada iyo madaxbannaanida dalkeenna ay horseedday dib u soo celinta maqaamka dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Intii kulanku uu socday, Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa la wadaagtay Madaxweynaha nuxurka Shirkii Qaran ee dhallinyarada, horumarka ay ku tallaabsadeen dhallinyarada Soomaaliyeed sanaddihii la soo dhaafay, aragtidooda ku aaddan qorsheyaasha Dowladda iyo caqabadaha heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal ee ay tahay in xalkeeda wadajir looga shaqeeyo.

Casho sharaftan maamuuska ah waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka iyo ciyaartooyda Kooxda Soomaaliyeed ee dalka Australia oo dalka u yimid hawlo samafal iyo in ay tartamo ciyaaro oo sare u qaadaya is dhexgalka bulshada ay la yeeshaan ciyaartooyda gudaha.

IB0A9143
IB0A9280
IB0A9130
IB0A9121
IB0A9111
IB0A9012
IB0A9011
IB0A8978
IB0A8948 copy
IB0A8934
IB0A8922
IB0A8910
IB0A8896
IB0A8886
IB0A8882
IB0A8874
105A9048
105A8947
105A8929
105A8922
105A8918
105A8909
105A8859
IB0A9137

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.