Home Afsomali haweeney si la yaab leh u toogashay Askari ka tirsanaay Saldhiga Dharkiinley

haweeney si la yaab leh u toogashay Askari ka tirsanaay Saldhiga Dharkiinley

Saldhiga Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dhacday fal dil ah oo si yaab leh ay u gaysatay Haweenay shacab ah, kadib markii qorigiisa ay ku dishay Askari ka tirsanaay Saldhiga Dharkiinley.

Falka dilka ah ayaa dhacay, kadib markii Haweenaydan ay ugu timid Askariga isaga oo fadhiya ilinka hore ee Saldhiga halkaasi uu waardiye ka haayay.

Haweenayda ayaa soo qabsatay qorigii uu lahaay Askariga, kadibna xabad ayeey ku dhufatay Askariga oo sidaasi ay nafta kaga baxday.

Askartii ku sugnayd Saldhiga oo ku soo baxay dhawaaqa xabada ayaa arkay maydka Askariga iyo Haweenaydan oo qoriga haysata, waxaana suuragashay ugu dambeyn in gacanta lagu dhigo Haweenaydii falka dilka gaysatay.

Illaa hadda si sax ah looma ogo waxa dhexmaray Haweenaydaasi iyo Askariga ay dishay, balse Haweenayda ayaa hadda ku xiran Saldhiga Degmada Dharkiinley oo ah meesha dilka ay ka gaysstay.

Wxaaan sidoo kale caddeyn sida haweeneydan ay ugu suurta-gashay inay qoriga soo qabsato ayada askariga uusan ka hor-tagin, waxaana suurta gal ah ayaa la leeyahay inay is-garanayeen, inkasta oo aan taas la xaqiijin.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in maanta baaris lagu bilaabi doono, haweenayda falka dilka ah u gaysatay Askariga ka tirsanaay Saldhig Galbeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.