Home Afsomali Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odaawa Yuusuf Raage oo ispitalka ku...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odaawa Yuusuf Raage oo ispitalka ku Booqday Askar dhaawacyo qaba

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odaawa Yuusuf Raage ayaa howlo kormeer ah iyo indhaimdheyn ah ku tegay Isbitaalka xoogga dalka oo ay ku jiraan dhaawacyada qaar ka mid ah ciidamada oo waxyeelo soo gaartay, iyagoo gudanaya waajibaad Qaran.

Taliyaha ayaa mid mid u xog wareystay bukaanada si uu u ogaado  xaaladooda caafimaad ee ay ku sugan yihiin ciidamadu

ciidamada ayaa booshada taliya ku tilmaamay mid dhiiri galineysa howlahooda shaqo taasi oo ay uga mahadceliyeen

Sidookale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odaawa Yuusuf Raage  ayaa kulan laqaatay maamulka isbitaalka xoogga,dhaqaatiirta iyo howlwadeenada ispitalka waxa uuna balan qaaday in la xoojinayo daryeelka iyo daaweeynta ciidamada ku soo dhaawacma howgallada ka socda Gobollada Dalka.

taliyaha ciidanka Xooga dalka ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay waxaa uu qabtay howlo cidianku ay ku amaaneyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.