Home Afsomali Full VIDEO Hay.adda Hinna Waxay u furan tahay sare u qaadidda xaquuqda...

Full VIDEO Hay.adda Hinna Waxay u furan tahay sare u qaadidda xaquuqda iyo garaadka haweenka waxayna xus u sameysay 16 day

Munaasibad balaaran oo loogu dabaaldagayey Maalinta Ciribtirka Rabshadaha ka dhanka ah Haweenka 16 day ayaa lagu qabtay xarunta hey.adda hiina

Waxaana ka soo qeybgalay masuuliyiinta hey.adaas culumaaudiin ururada haweenka Waxgarad iyo marti sharaf kale

Hadaba waa maalin noocee ah maalmahaas 16ka ah

16-ka Maalmood ee Dhaqdhaqaaqa Ka-Hor-tagga Rabshada Ku Salaysan Jinsiga waa olole caalami ah oo sanadle ah kaasoo bilaabmaya 25 Noofembar, Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Rabshadaha ka dhanka ah Haweenka, wuxuuna socdaa ilaa 10ka Diseembar, Maalinta Xuquuqda Aadanaha.

Waxaa  bilaabay Dhaqdhaqaaqayaasha machadka hogaaminta haweenka ee caalimaga ah 1991,

waxaana sii waday in sanadkasta ay isku dubaridaan Xarunta Hogaaminta Haweenka Caalamka.

Waxaa loo istcimaalaa istaraatiijiyad abaabul oo ay wadaan shaqsiyaadka iyo ururada adduunka oo dhan si loogu baaqo ka hortagga iyo ciribtirka rabshadaha ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.

Iyada oo la taageerayo dadaallada bulshada rayidka ah, oo uu hogaaminayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay UNiTE marka la gaaro 2030 si loo joojiyo Rabshadaha ka dhanka ah ololaha haweenka

(ololaha UNiTE) wuxuu ku baaqayaa in ficillada caalamiga ah la kordhiyo wacyiga, kor u doodista. dadaalka, iyo wadaagida aqoonta iyo hal-abuurka.

Muuuliyiintii madasha ka hadashay ayaa si isku mid ah u dalbaday in la joojiyo wax kasta oo dhibaato u keeni kara haweenka waxaana hadalka Bilowday gudomiyaha hey.adda HINNa WOMEN PIONEERIS FOR PEACE AND LIFE horumarka iyo nolosha haweenka caasha Cusmaan ugaas Caasha Shaacuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.