Home Afsomali Tirakoobka Shaqaalaha dowlada Somalia oo la soo gabagabeeyay (Daawo Sawirro)

Tirakoobka Shaqaalaha dowlada Somalia oo la soo gabagabeeyay (Daawo Sawirro)

Waxaa lagu gaaray tirakoobka in la sameeyo xog iyo kaydka dhexe oo laga maamullo shaqaalaha dowladda,waxaana tirakoobka wadday guddi uu horey u magacaabay wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada , Mudane Sadiiq Warfaa – guddiga oo ka kooban wasaaradda Shaqada iyo guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka.
“Tirakoobka, wuxuu suragal ka dhigaya in la helo xog iyo kaydka dhexe oo laga maamullo shaqaalaha dowladda.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqday maalintii u dambeysay ee tirakoobka, waxaana halkaa warbixin ku siiyay wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Ra’iisul wasaare , Xasan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyay howsha qaran ee ay qabteen guddiga gacanta ku hayay tirakoobka shaqaalaha dowladda, arrintaa oo uu ku sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha lagu horumarinayo shaqaalaha hay’adaha dowladda.
Muddada uu socday waxaa mid mid loo tirakoobay dhammaan shaqaalaha wasaaradaha dowladda iyo hay’adaha kale ee dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.