Saraakiisha ciidamada midowga Africa ee AMISOM oo si taxadar leh uga hadlay sawir laga qaaday Askari iyaga ka tirsan oo lagu baaray Muqdisho.
Xafiiska ay Muiqdisho ku leeyihiin Ciidamada nabadilaalinta ee AMISOM ee magaalada Muqdisho ayaa si kooaban uga hadlay Sawir lagu baahiyay Baraha Bulshada ay Soomaalida ku leeyihiin.
Sawirka uu Taliska AMISOM ka hadlay ayaa ahaa Askari ka tirsan Booliska Somalia oo baaraya Askari kale oo ka tirsan Ciidamada AMISOM.
Qoraal kooban oo lagu daabacay Boga AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in baaritaanka lagu sameeyay Askariga AMISOM uu yahay mid taxadar leh.
Qoraalka AMISOM ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in baaritaanka Askarigooda ay muujineyso feejignaan, waxaana lagu sheegay in Amniga Xarunta ay dhaarinta ka dhacday uu ahaa mid sareeyay.
Askarigaani ka tirsan AMISOM ayaa xiliga baaritaanka lagu sameynaayay doonaayay inuu ka qeybqaato Amniga Xarunta dhaarinta.
Dhanka youtube ka linkiga hoose