Home Afsomali Alshabaab oo soo bandhigay Sawirada Weerkii ay ku qaadeen sadhiga Mareykanka ee...

Alshabaab oo soo bandhigay Sawirada Weerkii ay ku qaadeen sadhiga Mareykanka ee Gudaha kenya

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar isugu jira ismiidaamin iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen xero milatari oo kutaala deegaanka Manda Bay ee Gobolka Lamu dalka Kenya .

Xerada weerarka lagu qaaday oo lagu magacaabo Camp Simba ayaa la sheegay in ay degnaayeen Ciidamo Mareykan ah iyo ciidamo katirsan milatariga Kenya, waxaana xerada saakay aroor hore weerar ku galay dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa soo bandhigtay sawirada dagaalyahanooda oo ka dhax dagaalamaya gudaha xerada Camp Simba, waxaana dagaalyahanada Al Shabaab sawiro ku galeen xerada iyaga oo kor u wata calankooda.

Goobaha ay sawirada ku galeen dagaalyahanada Al Shabaab ayaa waxaa ka dhax muuqday diyaarado kuwa qumaatiga u kaca , waxaana la sheegay in Al Shabaab gubeen qaar kamid ah diyaaradihii xeradaasi yaalay.

Al Shabaab ayaa sheegtay in khasaaro badan ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya ku gaarsiiyeen xerada ay weerarka ku qaadeen, walina si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarkan oo saacado badan socday.

weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah iyo mid toos ah oo waaberigii hore ee saaka ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen Xero Milatei oo ku taal deegaanka Manda Bay ee Gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Qarax weyn ayaa la maqlay kahor inta aysan dagaalamayaasha Alshabaab weerar toos ah ku qaadin xerada waxaana qaraxaasi loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday afaafka hore ee Xerada.

Warbaahinta gudah Kenya ayaa baahiyay sawiro muujinayay baaxada weerarka, uuro iyo qiic cirka isku shareeray.

Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in qaraxa xooggiisa laga maqlay qeybo ka mid ah deegaanada Gobolka Xeebta ee Lamu isla markaana ay dadka deegaanku argagaxeen.

Bayaan kasoo baxay ururka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda ay khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidanka ku sugaan xerada ayna la wareegeen qeyb ka mid ah Xerada.

Xerada la weeraray ee Simba ayaa waxaa ku sugan Ciidamo Mareykan ah, waxaana ay ku tababaraan Ciidamada Milateriga iyo kuwa Badda ee Kenya.

Si kastaba Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay iska difaacday weerarka ay alshabaab la beegsadeen xerada Milatariga ee gobolka Lamu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.