Home Afsomali Midowga yurub wuxuu si adag uga soo horjeedaa xukunka dilka ah ee...

Midowga yurub wuxuu si adag uga soo horjeedaa xukunka dilka ah ee maxaabiista ku jira xabsiyada Somaliland

Safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa si adag u muujiyay diidmada ciqaabta dilka ka dib markii boolisku fuliyeen dil lix maxbuus oo ku jira xabsiga Mandheera subaxnimadii Arbacada. Danjiraha midowga yurub ayaa bartiisa twitterka ku soo qorey barteeda rasmiga ah ee Twitterka. Sidoo kale isaga oo ka hadlaya caqabadaha imminka ka hor imanaya dawladda Somaliland, Safiirku waxa uu iftiimiyay caqabado muhiim ah oo la waajahayo ka hor doorashooyinka soosocda.

Midowga Yurub wuxuu malaayiin Euros siiyaa dowladda Somaliland, isagoo bixinaya mushaaraadka ciidamada booliska iyo kuwa xabsiyada marka lagu daro maareynta qeyb kamid ah xabsiyada waaweyn ee Hargaysa iyo Mandheera. Hadalkan ayaa yimid kadib markii xukun dil ah lagu fuliyay lix maxbuus oo ku xirnaa xabsiga Mandheera ee u dhow dekada magaalada Berbera kadib markii maxkamad ay ku xukuntay dil toogasho ah. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiisha EU-da ee ku sugan Hargeysa aysan ka warqabin tallaabadaas ka dib dhowr jeer oo ay si adag uga soo horjeedaan xukunka maxaabiista lagu xukumay dil toogasho ah oo ay ka geysteen maxkamadaha ku yaal Somaliland.

Hoos ka akhriso qoraalka Xeer ilaalintu soo saartay:

“Iyadoo la fulinaayo amarka maxkamad sarre waxaa , saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay Gacan ku Dhiiglayaashan hoos ku xusan.

1: Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina Maxamed , kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay Ex-Askari Police Marxuun Maxamed Cabdi Saleebaan.

2: Xasan Muxumad Cismaan Ina Shukri Yuusuf, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuum Ismaaciil Faarax Maxamad.

3: Khadar Aleel Xirsi Ina Maryan Cumar, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuun Siyaad Cabdi Muxumad .

4: Farxaan Maxamad Xasan Ina khadiija khaliil, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse.

5: Ceydaruus Khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaas oo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuum Idiris Daa’uud Jaamac.

6: Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo Cali, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuum Garaad Aadan Maxamad”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.